Taliyaha Cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya oo xilkiisa la wareegay

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliyeed ย Admiral; Xasan Nuurย  oo dhawaan loo Magacaabay ayaa xilkaasi si buuxda ugala wareegay Shalay oo ay Taariikhdu ahayd 22 Augost, ka dib munaasabad ballaaran oo ka dhacday Muqdisho.

Munaasabadda xil wareejinta oo ay ka qayb galeen qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada kala duwan iyo masuuliyiinta Dowladda ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay taliyihii hore ee ciidamka Badda Admiral; Maaddeey Sheekh Nuureey (Ufuroow) wuxuuna kula dardaarmay Ciidanka ilaalada Badda iyo Saraakiishooduba in ay la shaqeeyaan taliyaha cusub una feejignaadaan howsha culus ee u taalla.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Ilaalada Badda Admiralย ; Xasan Nuur ,ayaaย  sheegay in uu halka hadda ayย  marayaanย  howlaha taliska Ciidanka ilaalada Badada uu wax ku soo kordhin doono, isagoo uga mahadceliyay taliyihii hore kaalinta uu ka qaatay dib u dhiska Ciidanka Badda.

Madaxa hoggaanka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto; Maxamed Maxamud Xasan Qafow ayaa ka hadlay muhiimadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu u leeyahay Dalka,ย  isago tilmaamay in Ciidanka ilaaladaย  Badda ay u taallo howlย culus , loogana baahan yahay in ay ka soo dhalaalaan oo ay ka hortagaan kooxaha ka qowleysta Baddeena.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkanba wadday dedaallo ay ku dhiseyso tirada iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si loo helo ciidan awood leh, markii ay isa soo tareen dhibaatooyinka iyo boobka ay Maraakiibta shisheeye ku hayaan Biyaha Soomaaliya iyo tacaddiyada ay geystaan Kooxaha Burcad badeedda ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...