Maamulka G/Banaadir oo Qalabka Naafada u qeybiyey qaar ka mid ah Dadka Naafada ah

Date:

Muqdisho (SNTV)- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u qeybiyey gawaarida dadka naafada ah, qaar ka mid ah naafada ku nool Gobolka.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay qorsheyaasha maalmaha Ciidul Adxaaga ee Maamulka Gobolka Banaadir uu kaga qeyb qaadanayo farxad gelinta dadka danyarta ah.

“Dadkeenna naafada ah waxa ay mudan yihiin daryeel joogta ah, cidda ay ka sugayaanna Alle ka sakow waa inaga, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka, gaar ahaan ganacasatada Gobolka Banaadir in ay kaalintooda ka qaataan sidii wax loogu qaban lahaa.”

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed ayaa sheegtay in dadkan tiradoodu ay gaarayso boqol qof, lagana soo xulay dhammaan 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, dadkan waxaa qeyb ka ahaa qaar ka mid ah naafada Barakacayaasha ku dhaqan Gobolka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmaha Ciidda fulinaya barnaamijyo ciidsiin ah oo loo sameynayo dadka danyarta ah, gaar ahaan barakacayaasha iyo dadka naafada ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...