Maamulka G/Banaadir oo Qalabka Naafada u qeybiyey qaar ka mid ah Dadka Naafada ah

Date:

Muqdisho (SNTV)- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u qeybiyey gawaarida dadka naafada ah, qaar ka mid ah naafada ku nool Gobolka.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay qorsheyaasha maalmaha Ciidul Adxaaga ee Maamulka Gobolka Banaadir uu kaga qeyb qaadanayo farxad gelinta dadka danyarta ah.

“Dadkeenna naafada ah waxa ay mudan yihiin daryeel joogta ah, cidda ay ka sugayaanna Alle ka sakow waa inaga, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka, gaar ahaan ganacasatada Gobolka Banaadir in ay kaalintooda ka qaataan sidii wax loogu qaban lahaa.”

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed ayaa sheegtay in dadkan tiradoodu ay gaarayso boqol qof, lagana soo xulay dhammaan 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, dadkan waxaa qeyb ka ahaa qaar ka mid ah naafada Barakacayaasha ku dhaqan Gobolka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmaha Ciidda fulinaya barnaamijyo ciidsiin ah oo loo sameynayo dadka danyarta ah, gaar ahaan barakacayaasha iyo dadka naafada ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...