Ra’iisul wasaare Kheyre oo soo gaba gabeeyey La xisaabtanka Sanadlaha ah ee Wasiirada+Sawirro

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo gaba gabeeyey wajiga 2aad ee Barnaamijka uu kula xisaabtamayey xubnaha Golaha Wasiiradda  ee sannadlaha ah si loo qiimeeyo hawlaha Wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan.

Wasiiradda maanta Ra’iisul wasare khayre uu shaqsi shaqsiga ula xisabtamay ayaa kala ah, Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha , wasiirka  shaqada iyo Arrimaha bulshadda, wasiirka  xanaanada xoolaha , wasiirka Boostadad iyo isgaarsiinta , wasiirka Amniga iyo wasiirka  Ganacsiga iyo warshadaha , isagoo  wasiir kasta  oo kamid ah lasoo hor-dhigay qorshayaashii lagu ballamay in uu fuliyo, iyada oo wasiirrada ku cusub xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorsha hawleedkooda.

Wasiirrada ayaa Ra’iisul Wasaaraha usoo bandhigaey waxyaabaha u qabsoomay iyo qorsha hawleedkooda oo qoran si isla xisaabtanka sannadka xiga loogu qiimeeyo wixii uga qabsooma.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaraha xukumada federaalka Soomaaliya Cabdullahi Xaamud ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in isla xisaabtanku uusan ku ekayn kaliya Wasiiradda balse cid kasta lala xisaabtami doono oo dowladda mas’uuliyada u haysa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sannadkii hore sidaan oo kale mid mid ula fariistay wasiirrada si ay isula ogaadaan qorsha hawleedka wasaarad waliba si loogu korjoogteeyo, waxa uuna isla-xisaabtankaani qayb ka yahay howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha si looga mira dhaliyo qorshaha xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...