Ra’iisal wasaare Kheyre oo maalintii 2-aad wada la xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasiirada

Date:

Muqdisho(SNTV);- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maalint 2-aad wada la xisaabtanka wasiirrada ee sannadlaha ah si loo qiimeeyo hawlaha wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shaqsi shaqsi ula fariistay wasiirrada , kala ah  Wasiirka Gashaandhigga ,Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda, Wasiirka Kallumaysiga iyo Khayraadka Badda,  Wasiirka Howlaha guud   Guryeynta , Wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta dhaqalahaha  iyo Wasiirka Caaladda , waxana Wasiir waliba oo kamid ah lasoo hor-dhigay qorshayaashii lagu ballamay in uu fuliyo, iyada oo wasiirrada ku cusub xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorsha hawleedkooda.

Wasiirrada soo gudbiyay qorshayaashii ay ku guulaysteen ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxa ay u gudbinayaan qorsha hawleedkooda oo qoran si isla xisaabtanka sannadka xiga loogu qiimeeyo wixii uga qabsoomay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sannadkii hore sidaan oo kale mid mid ula fariistay wasiirrada si ay isula ogaadaan qorsha hawleedka wasaarad waliba si loogu korjoogteeyo, waxa uuna isla-xisaabtankaani qayb ka tahay howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha si looga mira dhaliyo qorshaha xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...