Hanti dhowraha guud ee Qaranka oo warbixin siiyay guddiga Maaliyadda Baarlamaanka

Date:

Muqdisho, 19-08-2019: Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka BJF Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Hanti dhowraha guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska ay guddiga maaliyadda ku leeyihiin xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga maaliyadda ee golaha shacabka la wadaagay warbixin ku saabsan shaqada xafiiskiisa.

Hanti dhowraha ayaa sidoo kale guddiga ugu warbixiyay howlaha la xisaabtanka iyo ka hortagga musuq maasuqa ee uu ku sameynayo hayโ€™addaha dowladda.

โ€œXafiiskeyga howlo muhiim ah ayuu wadaa, sida aad la socotaan waxa hada xeran oo baaris ay ku socotaa masuuliyiin ka tirsan hayโ€™addaha dowladda oo arrimo musu maasuq lagu soo eedeeyay, kuwa kalena wa ku daba jirnaaโ€. ayuu yiri hanta dhowraha qaranka.

โ€œ Sidoo kale waxa idiin balan qaaadaya in isla xisaabtanka aan wado inan gaarsiinayo xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Raโ€™isal wasaaraha, hada waxa socdo baaris kale oo aan ku wadno hayโ€™addo ka tirsan dowladdaโ€. ayuu yiri hanti dhowraha qaranka.

Hanti dhowraha Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga maaliyadda ka codsaday iney kala shaqeeyaan meel marinta sharciga hanta dhowrka oo golaha wasiirada ay ansixiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga maaliyadda ee golaha shacabka Mudane Maxamed Aadan Macalin oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee uu wado hanta dhowrha, sidoo kale waxa ay ka codsadeen inuu sii laba jibaaro howlaha la xisaabtanka.

โ€œ aad baa u bogaadinaya howsha wanaagsan ee ka socota xafiiska hanta dhowraha, guddiga maaliyadda waxa uu balan qaadaya inuu la shaqeynayo hanta dhowraha si loo ciribtiro musuq maasuqa, sidoo kale sharciga hanta dhowraha wa ka shaqeyneynaa wixii talooyin ah wa ku biirineynaaโ€. ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka guddiga.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada guddiga uu la yeelanayo hayโ€™addaha iyo guddiyada madaxa banaan ee shaqo wadaaga ay yihiin.

—–DHAMMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...