Puntland oo dib ula wareegtay degaanka Af-urur

Date:

Boosaaso-(SNTV)-Ciidanka Daraawiishta maamul Goboleedka Puntland ayaa dib ula wareegay degaanka Af-urur oo ka tirsan Gobolka Bari.

Gen; Axmed Cabdi Xaashi, taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in maleeshiyadii Al-Shabaabka ahaa ee ku sugnaa degaanka ay carareen,markii ay ka war heleen in ay Ciidamadu kusoo wajahan yihiin.

“Waaberigii ayaynu xoreynay degaanka Af-urur oo markii hore si kelis ah loogo soo baxay oo ay cadawgu yimmaadeen, cadowguna markii ay ogaadeen inaannu kusoo fool leennahay ayaa waxay sameeyeen sidii ay awelba yeeli jireen way ka carareen meeshi, wax iska caabbin ah oo naga hor yimidna ma jirin” ayuu yiri taliyuhu.

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo degaankaasi ay kala wareegeen 20 Cisho ka hor Malleeshiyada Al-Shabaab dagaal la’aan ayaa sidoo kale isaga baxay Af-Urur markii culeys xooggan kaga yimid Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo kulan la qaatay beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA WASAARADDA WARFAAFINTA

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...