Guddoomiyaha G/banaadir oo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ku soo dhaweeyey Xarunta Dawladda Hoose

Date:

Muqdisho (SNTV),  Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar kula kulmay Madaxweyne Ku xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Madaxweyne Kuxigeenka xaaladda guud ee Gobolka Banaadir, guulaha lagu tallaabsaday muddadii la soo dhaafay iyo qorsheyaasha horumarineed ee Caasimadda.

Eng.Yarisow ayaa ku bogaadiyey bulshada iyo maamulka Puntland dadaalka ay ku bixiyeen midnimada iyo wadajirka, isagoona tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo wada istaago sidii loo rumeyn lahaa himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Kuxigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen, muddada uu ku sugnaa Caasimadda.

Sidoo kale, Mudane Camey waxa uu dhiirrigeliyey horumarka muuqda ee laga gaaray amniga Muqdisho, daadajinta adeegyada asaasiga ah iyo qorsheyaasha ku saabsan hirgelinta hannaanka dimuqraadiyeynta.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Tuulax, Xoghayaha Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen Iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Xafiisyada Maamulka Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...