Muqdisho (SNTV), Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa soo saartay amar faraya dhammaan wasaaradaha iyo hayโadaha kale ee dawladeed in ay ixtiraamaan, raacaan kuna dhaqmaan sharciga iibka Qaranka ee dalka u yaalla ,si qandaraasyada la bixinayo iyo heshiisyada lala gelayo hayโadaha caalamiga ah ay u noqdaan kuwa sharciyeysan oo loo maray hannaanka saxda ah.
Wasiiru dawlaha Xafiiska Raโiisul Wasaaraha XFS Mudane Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa tilmaamay in dhaqan-gelinta sharciga iibka Qaranka oo qabyo u ah wasaaradda maaliyadda looga dooday kulankii golaha wasiirrada ee maanta kaas uu uu shir-guddoominayay Raโiisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.
โKulnka golaha wasiirrada waxaa looga hadlay arrimaha iibka qaranka iyo habsami u raaca sharicga ka yaalla iibka qaranka si ay hayโadaha dawliga ah iyo wasaaradahuba ay ugu dhaqmaan, Sharcigaas waxa uu qabyo u yahay wasaaradda maaliyadda hase yeeshee waxaa jirta in lagu amray in wasaaradaha ay dhawraan habsami u raaca qandaraasyada iyo heshiisyada ay la gelayaan hayโadaha caalamiga ahโ, ayuu yiri wasiir Xaamud.
Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa marka ay soo dhamaystirto Sharciga iibka Qaranka waxa ay usoo gudbinaysaa golaha wasiirrada si ay u meel mariyaan, kadibna loo hor-geeeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka golaha wasiirrada, ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qabyo qoraalka hannaanka cadaalada iyo arrimaha amniga, iyada oo warbixinno laga dhagaystay wasiirada difaaca iyo amniga gudaha, kuwaas oo ka hadlay isbedeladii ugu dambeeyay ee dhanka amniga iyo qorshaha horumarinta guud ahaan amniga dalka, si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan amni la isku halayn karo.
