Dawladda Soomaaliya Oo Tirakoobaysa Ajaanibta ku Sugan Dalka

Date:

Muqdisho Khamiis August 16 (SNTV):- Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa go’aamisay in tirakoob rasmi ah lagu sameeyo dadka ajaanibta ah ee kusoo qulqulaya gudaha dalka si loola socdo dhaq-dhaqaaqyada ay ka samaynayaan gudaha dalka iyada oo la waafajinayo hannaanka qaxootiga iyo socdaalka ee u yaalla dunida.

Go’aankaan lagu ritakoobayo ajaanibta ayaa kasoo baxay kulanka golaha wasiirrada ee maanta oo uu shir-gudoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre, kaas oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiinta hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda Soomaaliya.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka war bixiyay qodobadii looga hadlay kulanka ayaa sheegay in dood ay golohu ka yeesheen kadib in, tirakoobka ajaanibta ku sugan gudaha Soomaaliya oo dawladda ka saacidaya in ay hesho xogta dhamaystiran ee qof waliba ajnabi ah, loo saaray guddi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), guddigaas oo xukuummadda kusoo celinaya natiijada kasoo baxda baaritaanka ay samaynayaan si uu dawladda.

Kororka ajaanibta kusoo qulqulaysa dalka ayaa timid kadib markii dawladda Soomaaliya ay qaaday tillaabooyin lagu hagaajinayo amniga kuwaas oo soo jiitay ajaanib badan oo isugu jira shaqo doon, maal-gashadayaal iyo kuwa wata fikrada ganacsi oo ay doonayaan in ay ka hir geliyaan gudaha dalka si ay uga helaan faa’iido dhaqaale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...