Horjooge Alshabaab ah iyo Maleeshiyadiisa oo la khaarijiyay

Date:

Kismaayo(SNTV):-Howlgalloay Ciidamada xoogga dalka ka sameyeen deegaanno hoostaga Gobolka Jubbada Hoose ayaa la sheegay in lagu khaarijiyay 4 horjooge iyo 7 maleyshiyaad oo ka tirsan Al-shabaab.

Deegaanada laga fuliyay howlgalka ayaa la sheegay in ay ahayeen Muuse xaaji iyo deegaanka Araare oo Al-shabaab ay ku lahayeen saldhigyo kooban.

Abaandullaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka G/sare Maxamed Buule oo la hadlay Idaacada ciidamada ayaa sheegay in howlgaladan ay ciidamadu xoogga dalka ka fuliyeen degaanada Araare iyo Muuse Xaaji lagu dilay Afar Horjooge iyo 7 maleyshiyaad ah.

G/sare Maxamed Buule ayaa intaa Ku daray in gacanta lagu dhigay labo ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee ay isticmaalayeen Nabadiidka Al-shabaab , iyagoo burburiyay Saldhigyadii halkaas ay kulahaayeen Argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...

Duqa Muqdisho oo Salaadda Ciidda kula tukaday Dadweynaha Degaanka Gubadley

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweyne JFS oo Salaadda Ciidda Carrafo la oogay Kumannaan Shacab ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...