Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho Arbaca August 15 (SNTV):- Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay Madaxa Haweenka Qaramada Midoobay u qaabishan Soomaaliya, Faadumo Dayib oo hordhac u ah wafdi ay hoggaaminayso agaasimaha arrimaha haweenka ee Qaramada Midoobay, Phumzile Mlambo-Ngcuka, oo Soomaaliya booqasho ku imaanaysa maalmaha soo socda.

“Ra’iisul Wasaaraha waxa aan u soo booqday in aan xoojinno wada shaqeynta ka dhaxaysa dawladda federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska haweenka ee Qaramada Midoobay. Aad ayaan ugu faraxsanahay sida uu noo soo dhaweeyay uuna noogu dhiirri geliyay shaqada haweenka ee Qaramada Midoobay”, ayay tiri Faadumo Dayib oo ka war-bixisay kulanka ay la qaadatay Ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaare ayaa sidoo kale kala hadlay sidii codka dumarka Soomaaliyeed iyo ka qayb galkooda siyaasadda loo xoojin lahaa, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii laba jibbaaraan hawsha lagu horumarinayo dawrka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dawladnimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...