Wefdigii Eritrea oo booqasho loo geeyay Xeebta Liido

Date:

Muqdisho(SNTV):– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta xeebta Liido kulan is xog-waraysi ah kula yeeshay wefdi balaaran oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax, Waxayna ka wada hadleen xaaladda labada dal iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeey Soomaaliya iyo Ereteriya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Madaxda Eritrea ugu warbixiyay xaaladda ee dalka iyo soo kabasdhada ay ku jirto Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ammaanka iyo horumarka dalku uu haatan meel fiican marayo.
Intaas ka dib Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa wakhti la qaatay shacabkii ku damaashaadayay xeebta liido, wuxuuna mid u salamay dhammaan dadkii goobta ku sugnaa, isagoona ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay u taageeraan dawladda iyo madaxdooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo gacanta ku dhigay Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin

Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo...

Soomaaliya iyo Liibiya oo Xoojiyey Xiriirkooda Diblamaasiyadeed ka dib Wadahadallo ku dhexmaray Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...