Wasaaradda Howlaha guud ee XFS oo daah furtay Mashruuc Shaqo loogu abuurayo Dhalinyaro Soomaaliyeed.

Date:

Muqdisho (SNTV), Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska XFS, ayaa maanta daahfurtay mashruuc gobolada dalka Soomaaliya looga shaqaaleysiinayo in ka badan kun qof.

Mashruuca, ayaa waxaa ka faa’ iideysan doono ku dhawaad 1100 dhalinyaro ah oo la barayo  xirfado ay ka mid yihiin dhismaha iyo kuwa kale oo muhiim ah, waxaana mashruuca wajigiisa koowaad lagu bilaabayaa 400 oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo ka kala imaanayo Magaalooyinka Muqdisho,  Kismaayo, iyo Garoowe.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka XFS Marwo Deeqo Yaasiin, ayaa mashruuca ku guubaabiyey in lagu daro gabdhaha iyo wiilasha baahiyaha gaarka qabo iyo dhalinyarada kasoo laabtay tahriibka oo u baahan shaqo abuur.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac,  ayaa xusay in wax wanaagsan ay tahay in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyaradda,isaggoo xusay in taasi aysan ku xerneen Tirada badnaashaha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisoow, ayaa  waxa uu xusay in dhalinyaradaan shaqo abuurka loo sameynayo uu yahay bilow wanaagsan, maadaama dalka  uu mudo 30 sano ah ku jiray marxalad adag.

Hay’adaha UN-ka  iyo dalalka deeq bixiyaasha,  ayaa horay u maamuli jiray maareynta mashruucyada laga hirgeliyo dalka, waxaana ugu dambeyn Dawladda Soomaaliya ay  ku guuleystay in dib loo soo celiyo ka go’aan qaadashada iyo maamulida mashruucyada dalka sida uu sheegay Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud iyo dib udhiska XFS mudane Cabdifataax Ibraahin Axmed Geeseey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir...

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr....

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...