Wasaaradda Howlaha guud ee XFS oo daah furtay Mashruuc Shaqo loogu abuurayo Dhalinyaro Soomaaliyeed.

Date:

Muqdisho (SNTV), Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska XFS, ayaa maanta daahfurtay mashruuc gobolada dalka Soomaaliya looga shaqaaleysiinayo in ka badan kun qof.

Mashruuca, ayaa waxaa ka faa’ iideysan doono ku dhawaad 1100 dhalinyaro ah oo la barayo  xirfado ay ka mid yihiin dhismaha iyo kuwa kale oo muhiim ah, waxaana mashruuca wajigiisa koowaad lagu bilaabayaa 400 oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo ka kala imaanayo Magaalooyinka Muqdisho,  Kismaayo, iyo Garoowe.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka XFS Marwo Deeqo Yaasiin, ayaa mashruuca ku guubaabiyey in lagu daro gabdhaha iyo wiilasha baahiyaha gaarka qabo iyo dhalinyarada kasoo laabtay tahriibka oo u baahan shaqo abuur.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac,  ayaa xusay in wax wanaagsan ay tahay in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyaradda,isaggoo xusay in taasi aysan ku xerneen Tirada badnaashaha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisoow, ayaa  waxa uu xusay in dhalinyaradaan shaqo abuurka loo sameynayo uu yahay bilow wanaagsan, maadaama dalka  uu mudo 30 sano ah ku jiray marxalad adag.

Hay’adaha UN-ka  iyo dalalka deeq bixiyaasha,  ayaa horay u maamuli jiray maareynta mashruucyada laga hirgeliyo dalka, waxaana ugu dambeyn Dawladda Soomaaliya ay  ku guuleystay in dib loo soo celiyo ka go’aan qaadashada iyo maamulida mashruucyada dalka sida uu sheegay Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud iyo dib udhiska XFS mudane Cabdifataax Ibraahin Axmed Geeseey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan...

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...