Talyaaniga oo Buundo soo duntay Khasaaro lixaad leh ka dhashay ‘Sawirro’

Date:

Talaado, 14, August, 2018, Muqdisho (SNTV) Buundada oo kutaala magaalada Waqooyi galbeed ee Genoa islamarkaana ay isticmaalaan gaadiidka ayaa burburtay, waxaana halkaasi ku geeriyooday ugu yaraan 35-qof kadib markii ay baabuurta maraysay buundada ay kusoo dhaceen dhulka, sida laga soo xigtay hay’adaha gurmadka deg-degga ah.

Muuqaal laga soo qabtay daqiiqadda ay masiibadan dhacday markii mid kamid ah munaaradaha hayay buundada ay soo ridday dabeeyl iyo roobab mahiigaan ah oo ka da’ay halkaasi.

Gawaarida iyo burburka ayaa kusoo dul dhacay 148-hiish gawaarida iyo dhismayaasha iyadoo qaar kamid ah ay ku dhaceen webi halkaasi kuyaala.

Samatabixiyeyaasha ayaa isku dayaya in ay dadka kasoo badbaadiyaan gudaha gawaarida burburtay iyo dhismaha buundada ee burburay.

Waxaana jirta cabsi laga qabo in qaybo kale oo kamid ah buundada ay soo dhacdo, taasi oo ay sababtay in qaar kamid dadka daganaa dhismayaasha ka agdhow buundada laga masaafuriyo, sida uu u wakaaladda Talyaaniga ee Ansa u sheegay mid kamid ah dadka ku shuqlan howlaha samatabixinta.

Matteo Salvini, oo ah wasiirka Arrimaha gudaha dalka Talyaaniga ayaa ballanqaaday in qofkii lagu helo inuu mas’uul ka yahay burburka buundada lala xisaabtami doono.

Wasiir Matteo Salvini ayaa waxa uu yiri, “Boqolaalo jeer ayaan ka talaabi jiray buundada,” “hadda, anigoo ah muwaadin Talyaani ah, waxaan sameeyn doonaa sdii aan kuheli lahaa magacyada iyo naaneeysyada maamulkii mas’uulka ka ahaa, kuwii hore iyo kuwa dambe, maxaa wacay ma ahan wax la aqbali karo in ay dad intaasi la’eg ay ku dhintaan Talyaaniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...