Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay ku qaabilay xafiiskiisa Safirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Mudane Qin Jian.

Intii ay ku guda jireen kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya laba dal si gaar ah siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaallaha.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Siciid Xaaji Maxamuud iyo Agaasimaha Waaxda Eeshiya Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...