Guddiga Dhaqaaalaha XFS iyo Golaha dhaqaalaha Qaranka oo wada kulmay

Date:

Muqdisho(SNTV):–Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay yeesheen guddiga dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo looga hadlayay sidii looga wada shaqayn lahaa kobcinta Dhaqaalaha Dalka si loo gaaro hadafka guud ee ah in la gaaro isku filnaansho dhaqaale.

Intii kulanku uu socday ayaa waxaa dhamaan ka qayb galayaashu waxa ay soo dhaweeyeen dhismaha iyo hawl gelinta  Golaha dhaqaalaha Qaranka ” National Economic Council” oo dhawaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo uu ku magacaabay wareegto si ay dawladda kala shaqeeyaan arrimaha dhaqaalaha dalka.

Waxaa la isku raacay in laga wada shaqeeyo dib u soo celinta dhaqaalaha Qaranka si looga baxo duruufaha Dhaqaale ee uu wadanka dib u dhigay, si nolosha dadka Soomaaliyeed ay wax badani isaga bedelaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir...

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr....

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...