Ciidanka xoogga Dalka iyo AMISOM oo kordhiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Date:

Muqdisho Axad August 12 (SNTV):-Ciidamada wada jirka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa dar-dar geliyay howl-galladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ay Todobaadkan ka wadeen degaanno ka tirsan Shabeellada hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka midowga Afrika ayaa Maanta oo Axad ah Wakaaladda Wararka ee Xinhua u sheegtay in howl-gallada ay soo billoowdeen Khamiistii inna dhaaftay, haatanna ay marayaan meel wanaagsan.

Col; Xuseen Xoosh, oo ah taliyaha Guutada 7-aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howl-gallada Milatari ee wadajirka ah ay ujeedadoodu tahay in lagu baabi’iyo fariisimaha ay kooxda xiriirka la leh  Al-Qaacidda ku leedahay degaannada muhiimka ah ee Gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo ay ku dhibaateeyaan Shacabka.

“Hawl-galku waxa uu  fariin xooggan u yahay Kooxda argagixisada ah, si ay isu soo dhiibaan oo ay ugu baxaan falalka gurracan ee ka dhanka ah Shacabka iyo Dowladda sharciga ku dhisan ee Soomaaliya” ayuu yiri Taliye Xoosh.

Ciidamada wada jira ayaa Maalmahan Laba jibbaaray howl-gallada ka dhanka ah arxan laawayaasha Al-Shabaab, iyagoo ka saaray degaanno badan oo hoos taga Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellada hoose, waxanay sidoo kale ku dileen horjoogayaal ka tirsanaa nabad diidka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...