Dekadda Muqdisho oo habeenkii shaqeyn doonto

Date:

Muqdisho(SNTV) Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo ay wehliyeen Wasiiro iyo Saraakiil ayaa xalay Daah-furay In Dekedda Muqdisho ay habeenkii shaqayso, taasi oo la micno ah in habeen iyo Maalin ay dekadu shaqaynayso, si loo kordhiyo howlaha adeegyada ganacsiga kaladuwan.

“Farxad iyo guul bay inoo tahay in aan daah furno in Dekedda ay shaqeyso in habeen iyo maalin ay shaqeyso,anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda,raiiusl Wasaaraha,iyo Madaxweynaha JFS waxaan ku dhawaaqayaa in Dekedda Muqdisho ay diyaar u tahay in xiliyada habeenkii ah ay shaqeyso,Dekadda Muqdisho oo habeenkii shaqeysa waxay u dhigantahay horumar deg deg ah oo dhaqaalaha dalkeenu ku talaabsaday,taasina waxay noo sahleysaa in aan isku filnaano”. Ayuu yiri raiisul wasaare kuxigeenka Dalka.

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shaqdad Dekedda xiliyada habeenkii ay kaalin ka qaadanayso horumarka dhaqaale ee Dalka.

“Caawa waxaa noo suuro gashay in aan daahfurno in Dakadda Muqdisho ay shaqeyso 24saac, Ganacsataduna ay Badeecadohooda kala soo bixikaraan kana dhoofsan karaan Habeen iyo Maalin”. Ayuu yiri Wasiir Beyle

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadah Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac ayaa dhankooda ka hadlay ahmiyadda arrin ay leedahay iyo dadaalkii lagu bixiyay,iyagoo guul ku tilmamaya,wasiir Maareeye ayaa bogaadiyay in fursado la siiyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

Magaalada Nairobi ayaa lagu qabtay munaasabad mahadnaq iyo soo...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa saakay dil toogasho ah...

Qorshaha dhismaha wadooyinka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo laga shiray

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS...

Baarlamaanka Dalka oo ka dooday cutubka 6-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...