Laba ruux oo loo xiray waxyaabaha maanka dooriya

Date:

Gaalkacyo (SNTV) Ciidanka Booliiska Gobalka Mudug ee dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay 2-ruux oo  qeyb ka ah shabakad  ka shaqeysa sameeynta iyo ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya. taasi oo ay sheegeen saraakiisha ciidanka in isticmaalka maandooriyeyaashu ay sabab u noqdaan amaan darada mararka qaar ka dhaca magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Taliye ku xigeenka qeybta Booliiska gobalka Mudug G/dhaxe Maxamuud Cilmi Gulaafe oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay iney qeyb weyn ka ahaayeen falalka amni dari ee magaalada, maadaama ay ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya.

Gaashaanle sare Cabdi Jaamac Cabdule Xabeeb oo isna la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidanka Booliisku talaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu soo qabto istimaalka sameynta iyo ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya, maadaama maandooriyaha loo arko in uu qeyb ka yahay waxyaabaha fududeeya fulinta falalka ammaaan darada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...