Horjoogeyaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Hoose

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo howlgallo ka dhan ah nabadiidka Al-shabaab  ka sameeyey deegaano hoostaga Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellada Hoose  ayaa waxey ku dileen horjoogayaal Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka iyo Sirdoonka.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka oo lahadlay Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in Horjogayaasha la dilay  ay magacyadooda ay kala ahaayeen horjooge Macalin Xuseen oo Nabadiidka Al-shabaab ay u yaqaaneen Sheekh Nuur, una qaabilsanaa Amniyaadka isagoo Horjooge u ahaa koox dilal qorsheysan ka fulisa Muqdisho iyo gobolka shabellaha hoose.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkan lagu khaarajiyey Farxaan daahir xiirane oo isna  Al-shabaab u qaabilsanaa sirdoonka, waxaana ay tilmaameen Horjooge Xiirane uu dhowr jeer oo hore dalka Siiriya kaga soo qeyb qaatay dagaalo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...