Mashaariic lagu horumarinayo Warshiikh oo Degmadaas laga bilaabay.

Date:

Warsheekh, Arbaca, August 8 (SNTV):-Gobolka shabeelaha Dhexe  ee Maamulka  Hirshabeele waxaa  ka soconaya  Horumar aad u Balaaran  oo lagu Hergalinayo  Deegaanada Hoostaga  Degmada Warshiikh  oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe  waxaana kamid ah  Mashaariic Lagu Dhisayo Goobo Caafimaad,  Iskuulo  ay wax ku Bartaan Dadka  Degan Degmada Warshiikh Tuulooyinka Hoos taga iyo Dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo warshiikh waxaana mahaariicdaas wadda  hay’adda Critical  Hope  Foundation oo fadhigoodu yahay wadanka koonfur afrika.

Dhawaan Wafdiga  ka socda Wadanka Koofur Africa  oo wado mashaariic kala duwan ee  lagu hormarinayo gobolka shabeelaha dhexe gaar ahaan degmada warshiikh,   iyo maamulka gobolka shabeelaha  dhexe kan degmada warshiiq wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamul goboleed hir shabeele ayaa waxay  kormeer ku tageen, deegaano uu ka midyahay  deegaanka qeyla weyne oo ka tirsan degmada warshiikh  kaasi  oo horay looga her galiyay  iskuul hoose dhexe  iyo M C H oo  ay ka dhistay hey’adda givt of  givers ee laga leeyahay wadanka koofur africa   waxaana munaasabad  lagu soo dhaweynayay mashaariicdaasi  lagu hormarinayo degmada warshiikh gaar ahaan  gobolka shabeelaha dhexe lagu qabtay xarunta degmada warshiikh.

Gudoomiyaha Degmada Warshiiq  Axmed Xuseen Axmed [Axmed shiidka ] oo munaasada ka hadlay  ayaa ugu  mahadceliyay  masuuliyiinta ka socday  wadanka koofur afrika ee deegaanka  hir galinayo  howlaha hormarineed ,

‘Reer warshiikhow waxaad kudadaashaan waxbarashada iyo horumarka degmada, hadaad waxbarataan waxaa lagaarayaa horumar, waa in loo diraa carruurta iskuulada oo la iskuwadaa waxbarashada maadiga ah iyo tan diiniga ah’ ayuu yuru gudoomiyaha degmada warsheekh.

Mrs Nxumalo louisa oo ka socotay  Hay’adda critical hope foundation  ee wadanka koofur afrika  ayaa sheegtay in ay ka hirgalinayaa  mashaariic lagu hormarinayo Degmada Warshiiq  iyo Guud ahaan Gobolka shabeelaha dhexe.

‘waxaan soo arkay barwaaqo aad u ballaar oo kajirta Wadankaan soomaaliya, taasoo aan laga helin wadanka koonfurka afrika, laakiin idinku ma dareemeysaann, warsheekhna waa meel aad u qurxoon, waxaana isku afgaranay aniga iyo maamulka inaan iska kaashano dhanka horumarka ee degmada iyo guud ahaan gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in loo baahanyahay shacabka ku nool gobolka shabeelaha dhexe ay ka qeyb qaataan howlaha  horumarineed ee ka soconaya  gobolka  .

‘waxaan ugu baaqayaa bulshada kudhaqan gobolka shabeelaha dhexe inay ka shaqeeyaan horumarka gobolka gobolkooda oo ay horumariyaan adeegyada aasaasiga ee gobolkooda.

Wasiirka Wasaaradda  Kaluumeysiga iyo kheyraadka  Badda  ee Dowlad Goboleedka  Hirshabeele  C/llaahi Macalin  Mustaf  ayaa  ka hadlay muhiimada howlaha mashaariicda ee lagu hormarinayo  degmada warshiiq  iyo guud ahaan gobolka

’ Reer warshiikhow waxaad kudadaashaan waxbarashada iyo horumarka degmada, hadaad waxbarataan waxaa lagaarayaa horumar,m waa in loo diraa carruurta iskuulaad,m waana inm la iskuwadaa waxbarashada maadiga ah iyo tan diiniga ah. ‘ ayuu  yiri wasiirka.

Muuse Cusmaan Abtow.

Warbaahinta Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...