Wasaaradda Boostada oo cambaareysay dilkii maamule ku xigeenkii Golis

Date:

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tegnoolajiyada Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falkii dilka ahaa ee lagula kacay maamule ku xigeenkii shirkadda Isgaarsiinta Golis.

War ka soo baxay wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tegnoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri “wasiirka, wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda waxa ay si wadajir ah u cambaareynayaan dilkii  magaalada Boosaaso loogu geystay ALLAHA  u naxariistee  maamule ku xigeenkii shirkadda Golis Puntland Marxuum Cabdullaahi Cali Cumar oo si xaq darro ah loogu dilay Boosaaso, waxa ayna tacsi u dirayaan Qosykii iyo maamulka shirkadda Golis ee uu ka baxay”.

Wasiirrada ayaa ku baaqay in gacanta lagu soo dhigo dhagar-qabeyaashii falkaasi  dilka ah ka dambeeyey, isla markaana caddaaladda la horkeenno.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taallada SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxda Hay’adda SoDMA oo Nairobi uga qeybgaleen Kulan looga hadlayay arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqday xarunta Safaaradda Safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaan...

Hay’adda dhowrista xogta dadweynaha oo heshiis la saxiixatay dhiggeeda Naigeria

Hay’adda Dhowrista Xogta dadwaynaha Soomaaliya (DPA) iyo Guddiga Ilaalinta...