Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Xeer Hoosaadka ee Golahaas

Date:

Sabti 4ta August (SNTV):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa kulan la qaatay Guddiga xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka, waxaana kulanka looga hadlay wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha shacabka.

Guddiga ayaa guddoomiyaha golaha Shacabka uga warbixiyay arrimaha la xiriira wax ka bedelka xeer hoosaadka uu goluhu kushaqeeyo, iyagoo si gaar ah uga hadlay qodobada u baahan in wax ka bedel lagu sameeyo.

Cabdi kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Maadaama xeer hoosaadka uu Goluhu ku shaqeeyo muhiimad uu yahay guddoonka iyo gudiguba ay xooga saari doonaan sidii wax Ka bedelkiisa looga shaqeyn lahaa.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...

Ololaha urrurada siyaasada ee doorashada deegaanka oo ka bilaabmay Muqdisho.

Shacabka magaalada Muqdisho iyo ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan ayaa...

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Norway oo Oslo ku qabtay kulan sanadle ah.

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa magaalada Oslo...

Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirweynaha 7aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka  

Shirweynaha toddobaad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka ayaa si rasmi...