indhashareerka oo laga mamnuucay Denmark

Date:

Sabti 4ta August 2018 (SNTV):-Haween Muslimad ah oo 28 jir ah ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay oo lagu qaado sharcigii dowladda Denmark ee ay ka soo saartay Indha-shareerka.

Falkan ayaa ka dhacay goob lgau dukaameysto oo ku taalla magaalada Horsholm oo 25km ka xigta Dhaka waqooyiga magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark.

Booliska ayaa sheegay in looga yeeray xarunta laga dukaameysto kadib markii shaqaalaha meheradda ganacsi ay isku dhaceen haweeneyda sidatay Niqaamka oo diiday inay iska furto indhashareerka, waxana markii ay goobta soo gaareen boolisku ay baareen kaamirooyinka dadka lagula socdo ay arkeen haweeneyda oo loo sheegaya in iska bixiso indha shareerka, hadii ay diidana la dacweyn doono.

Haweeyneyda ayaa lagu ganaaxay lacag gaareeysa ilaa 1,000 kroner fine (Kun Koron Fine oo ah lacagta dalka Denmark) taasi oo u dhiganta 155 doolarka Mareykanka ah.

Sharcigan cusub ayaa la dhaqan galiyay Arbacadii aynu soo dhaafnay kadib markii baarlamaanka Denmark uu meel mariyay sharcigan bilowgii sanadkan 2018-ka, oo ah in qofkasta oo dadweynaha dhexdooda ku xirta maro wajiga qarinaysa la ganaaxi doono.

Arrintan ayaa keentay dibad baxyo rabshada wato oo ay dhigayaan shacabka dalka Denmark, kuwaasi oo ku tilmaamay inay tahay talaabo sharciga ka baxsan oo lagula dhaqmayo dad gaar ah.

Dibad baxayaa ayaa sidoo kale dhaleeceyn u soo jeediyey urururada xuquuqda aadanaha u dooda.

Hay’adda xuquuda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch ayaa dhacdadaan ugu dambeeysay ku tilmaamtay in tahay midab takoor.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...