Mareykanka oo ka fuliyay Soomaaliya weerar xagga cirka ah

Date:

Muqdisho (SNTV)- War saxaafadeed ay  soo saareen Taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in 2-dii bishan 4-qof oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku dileen meel 74-KM waqooyiga galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ayadoo la kaashanayo Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ay ciidanka Maraykanku qaadeen weerarkaas oo ay ku bartilmaameydsadeen fariisin maleeshiyada Argagixisada ah ee Al Shabaab ay ku lahaayeen gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu war saxaafadeedku intaa ku daray in aysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay.

Sanadihii dambe waxaa sii xoogeystay weerarada lagu hayo horjoogayaasha Maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaas oo ay fulinayaan ciidanka dowladda Federaalka ah iyo saaxiibada caalamka ee taageera Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...