Alshabaab oo la baxsaday gabar caruur ah

Date:

Nairobi-(SNTV)-Malleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa dabayaaqadii Todobaadkan ku Af-duubtay degaanka Xarboole ee Gobolka Gedo Gabar Lix  Sana jir ah,sida ay Arbacadii daabacday Jariiradda The Star ee kasoo baxda Dalka Kenya.

Xubno Qoyska ka mid ah oo aad ugu caraysan falkan  ayaa sheegay in xagjiriinta ay Guriga yimaaddeen ayna dalbadeen Gabadha, taasoo ahayd Dadka jirkoodu yahay Albinism.

Aabbaha dhalay Gabadha oo lagu magacaabo C/casiis Weli ayaa sheegay inay Malleeshiyadu u yimmaaddeen Saq dhexe, iyagoo dalbaday in la tuso halka ay Inanta yari jiifto, waxanay ku tuureen Gaadhi ay wateen.

“Afduubayaashu waxay Guriga soo galeen Saq dhexe Habeennimo, waxayna dalbanayeen in la tuso halka ay Gabadhu jiifatay, waxay ka soo qaateen sariirteeda oo waxay ku dhex rideen Gaari,” ayuu yiri Aabaheed Cabdicasiis Weli.

Weli ayaa tirada Ragga usoo dhacay tiradooda ku sheegay Shan, kuwaasoo dhammaantood ku hadlayay Af-Soomaali, isagoo intaa raaciyay ineysan wax xatooyo ah ama baarasho kale u geysan Guriga marka laga reebo Gabadha yar ee ay qaateen.

Inta badan Af-duubyadii ay horay u geysan jireen Al-Shabaab ayaa ku salaysnaa Wiilal Dhallin-yaro ah oo ay ku qasbaan in ay ku biiraan xagjiriinta una dagaallamaan, iyagoo mararka qaarkood qafaasha Gabdhaha da’da yar iyo Haweenka si ay ugu shaqaystaan, balse falkan ayaa ah mid ku cusub Dhegaha Bulshada Soomaaliyeed.

Sheekh Mustafa Cali, oo ka mid ah Culimada degaanka ay dhibaatadan ka dhacday ayaa sheegay in tani ay ahayd markii ugu horreeysay ee ay arkaan Af-duub loo geysto Ilmo yar.

In kastoo ay tani tahay dhacdo ku cusub Soomaaliya , haddana waxaa jira dilal iyo ugaarsi ka dhan ah Dadka midabka Cas ee Albinism-ka loo yaqaanno qaybo ka mida ah Bariga Afrika, waxaana Dalka Tanzania ka dhaca Kiisas badan aarintani la xiriira.

Ugaarsiga iyo dilka Dadka Midabka Cas ee Albinism-ka loo yaqaan ayaa ah qurraafaad laga soo min guuriyay Dad cawaan ah, kuwaas oo aaminsan in Hilibka Dadkaasi lagu helo dhaqaala badan ama lagu helo nasiib badan.

Culimada Soomaaliyeed ayaa marar badan ka hadlay dhaqanada xun xun ee Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ay ku dhibaateeyaan Dadka Muslimiinta ah iyagoo adeegsanaya Magaca Diinta Islaamka.

Sidoo kale Culumada Al-Azhar Al-shariif ee Dalka Masar, oo ah Xarunta Diimeed ka ugu caansan Caalamka Islaamka ayaa dhowaan soo saartay fatwo iftiimineysa sida argagixisada Al-shabaab ay u baal marsanyihiin Diinta Islaamka, kuwaas oo caadeystay daadinta Dhiigga Muslimiinta iyo ku been abuurashada Diinteenna suubban.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale