Madaxda Galmudug oo Kulan ku aadan muhiimada golayaasha deegaanka uqabatay dadka reer caabudwaaq

Date:

Jimce 3 Bisha August (SNTV):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dawlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xayir Nuur oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa kulan isugu jiray wacyigelin iyo diyaar garowga dhismaha Goloaha Deegaanka ku qabtay Degmada Caabudwaaq.

Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq oo daahfuray kulanka ayaa sheegay dhismaha golaha deegaanka uu muhiim u yahay in la helo maamul ka yimaada shacabka degmada, waxaana uu ku soo dhaweyay Ugaas Axmed Barre Cali (Taakooy)

Xubno ka kala socday xaafadaha kaladuwan ee Degmada, Aqoonyahano iyo golaha guurtida ayaa qayb ka ahaa kulanka looga tashanayay dhismaha golaha deegaanka, waxaana su’aalo ku aadan habka dhismaha golaha deegaanka  lagu waydiiyay mas’uuliyiinta ka socotay Wasaarada arrimaha gudaha ee Galmudug.

La tilayaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee arimaha dowlada hoose Yasiin Cabdi Jaamac ayaa jawaabay su’aalaha ay qabeen ka qayb galayaasha kulanka.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Galmudug Maxamed Xayir Nuur oo soo gunaanaday kulanka ayaa sheegay in dhismaha golaha deegaanka ay ka horeyso wacyi gelinta iyo fahamsiita bulshada muhiimadda uu golaha deegaanka u leeyahay shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...