Madaxda Galmudug oo Kulan ku aadan muhiimada golayaasha deegaanka uqabatay dadka reer caabudwaaq

Date:

Jimce 3 Bisha August (SNTV):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dawlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xayir Nuur oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa kulan isugu jiray wacyigelin iyo diyaar garowga dhismaha Goloaha Deegaanka ku qabtay Degmada Caabudwaaq.

Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq oo daahfuray kulanka ayaa sheegay dhismaha golaha deegaanka uu muhiim u yahay in la helo maamul ka yimaada shacabka degmada, waxaana uu ku soo dhaweyay Ugaas Axmed Barre Cali (Taakooy)

Xubno ka kala socday xaafadaha kaladuwan ee Degmada, Aqoonyahano iyo golaha guurtida ayaa qayb ka ahaa kulanka looga tashanayay dhismaha golaha deegaanka, waxaana su’aalo ku aadan habka dhismaha golaha deegaanka  lagu waydiiyay mas’uuliyiinta ka socotay Wasaarada arrimaha gudaha ee Galmudug.

La tilayaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee arimaha dowlada hoose Yasiin Cabdi Jaamac ayaa jawaabay su’aalaha ay qabeen ka qayb galayaasha kulanka.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Galmudug Maxamed Xayir Nuur oo soo gunaanaday kulanka ayaa sheegay in dhismaha golaha deegaanka ay ka horeyso wacyi gelinta iyo fahamsiita bulshada muhiimadda uu golaha deegaanka u leeyahay shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...