Eng. Yarisow oo Ganacsatada Gowraca Xoolaha kala hadlay Nadaafadda deegaanka iyo Faayadhowrka

Date:

Muqdisho (SNTV), Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan looga tashanayay sidii xal-waara loogu heli lahaa nadaafad xumida ka dhalata gowraca Xoolaha Caasimadda, waxuu la qaatay qaar kamid ah Ganacsatada gowraca Xoolaha.

Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa sheegay in kulankani uu yahay mid lagu kala war-qaadanayo si xal loogu helo nadaafad xumida ka dhalata gowraca xoolaha nool, isagoo Guddoomiyuhu xusay in maamulkiisa ay qorshaha dhow ugu jirto sameynta Kawaanno casri ah oo lagu hubinayo caafimaadka neefka, nadaafadiisa iyo fayodhawrka deegaanka, iyadoo loo marayo nidaam casri ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in qeybo badan oo kamid ah dhaqaalaha Soomaalidu uu ku tiirsan yahay xoolaha oo kamid ah nimcooyinka ALLAH dalkeenna ku maneystay loona baahan yahay in laga faa’iideysto, isla markaana loo iib-geeyo dalalka Caalamka si dhaqaalaha ka soo xaroodo u noqdo mid wax ka badala nolosha bulshadeena.

Kulanka madaxda Dawladda Hoose iyo Ganacsatada Gowraca Xoolaha ayaa lagu dhegaystay cabashooyinkii ay qabeen, iyadoo la isku raacay in si dhow loo wada shaqeeyo, si loo ilaaliyo danaha guud, gaar ahaan arrimaha fayodhowrka Caasimadda oo maalmahaan uu Maamulka Gobolka Banaadir wado qorshe dib loogu nidaaminayo bilicda Caasimadda.

Qaar kamid ah Ganacsatada ka shaqeysta Kawaannada Xoolaha lagu qalo ayaa uga mahadceliyey Duqa Muqdisho soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa, waxayna balan-qaadeen in si dhow ay ugala shaqeynayaan maamulka Fayodhowrka Xoolaha iyo Nadaafaddooda.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Agaasimaha Waaxda Caafimaad iyo masuuliyiin ka tirsan M/mulka Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...