Maamulka Gobolka Banaadir oo soo dhaweeyey mideynta howlgallada ammaanka Caasimadda

Date:

Muqdisho (SNTV)- Shirka todobaadlaha ah ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu soo bandhigay qorshe howleedka Gobolka ee uu kaga qeyb qaadanayo barnaamijka Is-xilqaan oo dhawaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo uu guddoomiyey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa lagu go’aamiyey in maalinta barri ah laga fuliyo degmooyinka Wardhiigleey, Hodan iyo Howlwadaag qeyb ka mid ah olalaha isxilqaan, iyadoona shacabka iyo maamulkuba ay iska kaashan doonaan bilicda iyo nadaafadda degmooyinkas.

Sidoo kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyey mideynta howgallada ammaanka caasimadda iyo in masuuliyaddaas lagu wareejiyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyadoona Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ay soo bandhigeen sida ay uga go’antahay xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka iyo dardar gelinta doorka shacabku ay ku leeyihiin.

Duqa Caasimadda Mudan Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa uga warbixiyey masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee uu kaga qeyb galay Brussels, isagoona faah-faahiyey qaar ka mid ah qorsheyaasha ay ku soo bandhigeen shikaas ee la xiriira horumarinta iyo baahiyaha bulshada Gobolka Banaadir.

“Beesha caalamku waxa ay aad u soo dhaweeyeen guulaha dhanka dawladnimada ee dalku gaaray, waxaana la isku raacay in si xoog leh loo taageero Soomaaliya, arrinkan oo fursad maalgashi ay ka heli doonaan bulshada Caasimadda, isla markaana deeqaha lagu saleyn doonno baahiyaha jira.”

Kulankan waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuuseen Maxamed Nuur, Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo, Agaasimeyaasha guud ee Gobolka iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...