Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo Shir guddoomiyey kulanka Guddiyada joogtada ah

Date:

Muqdisho (SNTV)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Amb Mohamed Mursal Sheikh oo Shir guddoomiyey kulanka Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay xarunta golaha shacabka ku yeesheen guddiga joogtada ah ee golaha shacabka iyo guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo uu sidoo kale goob joog ahaa guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa waxaa marka hore guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka ee Baarlamaanka Dalka uu guddoomiyaha golaha shacabka uga warbixiyay waxyaabihii guddiga u qabsoomay muddadii uu sheqeynayay, waxaana sidoo kale goobta lagu soo bandhigay howsha guddiga ee ku aadan dib u eegista iyo la socodka dastuurka.

Guddoomiyaha gudiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay kulanka ay maanta la qaateen guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, waxa uuna u sheegay warbaahinta in kulankii maanta uu ku soo dhamaaday jawi horey loogu sii jiheyn karo arrimaha dib u eegista dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...