Guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka Gobolka banaadir oo kormeeray qaar ka mid ah Maxkamadaha Gobolka

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan; Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa booqday Maxkamadaha Degmooyinka Xamarwayne iyo Shangaani, isagoo u kuur galaya habsami u socodka howlaha Maxkamadaha Degmooyinka ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed ee u soo doonta howlo ย garsoor.

Guddoomoyaha ayaa mid mid u booqday qolalka ay ku shaqeeyaan Maxkamadaha iyo agabka ay ku howl galaan , wuxuuna warbixinno ka dhagaystay ย howl-wadeenada ka shaqeeya Maxkamadaha Degmooyinka Xamarwayne, Shangaani

Booqashada Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ย ayaa looga gol leeyahay sare u qaadidda shaqada iyo dib u habaynta Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayadoo la fulinaayo qorshayaaashii uu ballan qaaday Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale