Guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka Gobolka banaadir oo kormeeray qaar ka mid ah Maxkamadaha Gobolka

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan; Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa booqday Maxkamadaha Degmooyinka Xamarwayne iyo Shangaani, isagoo u kuur galaya habsami u socodka howlaha Maxkamadaha Degmooyinka ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed ee u soo doonta howlo  garsoor.

Guddoomoyaha ayaa mid mid u booqday qolalka ay ku shaqeeyaan Maxkamadaha iyo agabka ay ku howl galaan , wuxuuna warbixinno ka dhagaystay  howl-wadeenada ka shaqeeya Maxkamadaha Degmooyinka Xamarwayne, Shangaani

Booqashada Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir  ayaa looga gol leeyahay sare u qaadidda shaqada iyo dib u habaynta Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayadoo la fulinaayo qorshayaaashii uu ballan qaaday Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...