Ra’iisal wasaare Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Qardho

Date:

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda FS iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha waxaa qayb ka ah xubno ka tirsan xukuumadda, madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa hadal u jeediyey boqolaal ka mid ah shacabka ku soo dhaweeyey xarunta dhaqanka Puntland ee magaalada Qardho, waxaana uu ku bogaadiyey sida ay uga muuqato dawlad jacaylka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in kulamo uu la qaadan doono Isimada iyo waxgaradka magaalada oo ay ka wada hadli doonaan geedi socodka dawlad dhisidda Soomaaliya inay kaalintooda ka qaataan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha Haya’adda NIRA oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Waxa maalintii labaad ka socda Hoolka Teendhada Afisyooni ee...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo safar ugu baxay dalka Marooko

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga...