R/wasaare Kheyre oo ka hadlay qorshaha kala guurka ee ay Ciidanka AMISOM

Date:

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa ka hadlay qorshahii ay Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ula wareegi lahaayeen ammaanka Dalka, si looga maarmo xoogagga AMISOM.

Mudane; Kheyre oo u warramayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, isagoo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa sheegay inuu hadafka Dowladdu yahay in la dhiso Ciidamo tayo leh oo lagu halleyn karo nabad gelyada Dalka, iyadoo dhismaha iyo tababarraduna ay marayaan halkii ugu wanaagsanayd, dhawaanna laga maarmi doono xoogag shisheeye.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay iney waqti badan geliyeen ka xukuumad ahaan, tiri koobka, hubinta, tababarrada iyo qalabaynta Ciidanka, wuxuuna sheegay iney Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM wada dejiyeen qorshaha kala guurka oo ah mid kama dambays ah oo Ciidanka nabad ilaalinta Afrika lagaga kaaftoomayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...