Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee soomaaliya oo Xafiisyo cusub ku wareejiyay Guddiyada Joogtada ah ee Golahaas

Date:

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha golaha shacabka ee parlamaanka Federaalka soomaalia  Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta qaar ka mid ah guddiyada golahashacabka ku wareejiyay xafiisyo cusub oo ay ku shaqeeyaan.

Guddiyada xafiisyada lagu wareejiyay waxaa ka mid ah.

*1.  *Guddiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee golaha shacabka.

*2.  *Guddiga difaaca ee golaha shacabka.

*3.  *Guddiga arrimaha bulshada ee golaha shacabka.

*4.  *Guddiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka.

*5.  *Guddiga beeraha ee golaha shacabka.

Guddoomiyeyaasha guddiyada lagu wareejiyay xafiisyada cusub ayaa
guddoomiyaha golaha shacabka kaga mahad celiyay dadaalka uu sameeyay iyo
sida dhaqsiyada leh ee uu kaga jawaabay codsigoodii.

“ runtii xafiisyadaan cusub ee naloo dhisay wax weyn ayay shaqadeena ku soo
kordhinayaan waana ugu mahad celineynaa guddoomiyaha tallaabada wanaagsan ee
uu qaaday” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah gudoomiyaha guddiga difaaca ee golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee parlamaanka Soomaaliya  Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiyada golaha kula dardaarmay iney shaqooyinkooda sii laba
jibaaraan maadaama loo dhisay xafiisyadii ay u baahnaayeen.

“ Waxan ku guuleysanay in dhamaan guddiyada golaha shacabka aan u dhisno
xafiisyo ay ku shaqeeyaan, hada ka dib waxa ay ka maarmi doonaan shirarkii
ay ku qabsan jireen hoteelada”. Ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Guddoomiyaha ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay inuu ka dhabeeyo ballan
qaadkii ahaa in guddi walbo uu helo xafiis u gaar ah oo uu kushaqeeyo.

“ Maanta aad bay ii farxad gelineysaa inaan arko guddi walbo oo leh xafiis u
gaar ah, cid walbo oo gacan ka geysatay waa u mahad celinayaa” ayuu mar
kale yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye Mursal waxaa wareejinta xafiisyada ku wehlinaayay guddoomiye ku
xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim
(Muudeey), Habdhowraha golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi
Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane C/kariin Xaaji
Cabdi (Buux).
   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...