Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-date-query.php on line 516

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee soomaaliya oo Xafiisyo cusub ku wareejiyay Guddiyada Joogtada ah ee Golahaas | Somali National Television - sntv.so

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block.php on line 257

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee soomaaliya oo Xafiisyo cusub ku wareejiyay Guddiyada Joogtada ah ee Golahaas

Date:

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha golaha shacabka ee parlamaanka Federaalka soomaalia  Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta qaar ka mid ah guddiyada golahashacabka ku wareejiyay xafiisyo cusub oo ay ku shaqeeyaan.

Guddiyada xafiisyada lagu wareejiyay waxaa ka mid ah.

*1.  *Guddiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee golaha shacabka.

*2.  *Guddiga difaaca ee golaha shacabka.

*3.  *Guddiga arrimaha bulshada ee golaha shacabka.

*4.  *Guddiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka.

*5.  *Guddiga beeraha ee golaha shacabka.

Guddoomiyeyaasha guddiyada lagu wareejiyay xafiisyada cusub ayaa
guddoomiyaha golaha shacabka kaga mahad celiyay dadaalka uu sameeyay iyo
sida dhaqsiyada leh ee uu kaga jawaabay codsigoodii.

“ runtii xafiisyadaan cusub ee naloo dhisay wax weyn ayay shaqadeena ku soo
kordhinayaan waana ugu mahad celineynaa guddoomiyaha tallaabada wanaagsan ee
uu qaaday” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah gudoomiyaha guddiga difaaca ee golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee parlamaanka Soomaaliya  Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiyada golaha kula dardaarmay iney shaqooyinkooda sii laba
jibaaraan maadaama loo dhisay xafiisyadii ay u baahnaayeen.

“ Waxan ku guuleysanay in dhamaan guddiyada golaha shacabka aan u dhisno
xafiisyo ay ku shaqeeyaan, hada ka dib waxa ay ka maarmi doonaan shirarkii
ay ku qabsan jireen hoteelada”. Ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Guddoomiyaha ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay inuu ka dhabeeyo ballan
qaadkii ahaa in guddi walbo uu helo xafiis u gaar ah oo uu kushaqeeyo.

“ Maanta aad bay ii farxad gelineysaa inaan arko guddi walbo oo leh xafiis u
gaar ah, cid walbo oo gacan ka geysatay waa u mahad celinayaa” ayuu mar
kale yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye Mursal waxaa wareejinta xafiisyada ku wehlinaayay guddoomiye ku
xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim
(Muudeey), Habdhowraha golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi
Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane C/kariin Xaaji
Cabdi (Buux).
   
Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sarkaal Boolis ah oo ka badbaaday weerar hubeysan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya: – Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed...

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...