Raiisul wasaare kuxigeenka Dalka oo la kulmay wafdigii ka qeyb-galay shirkii waxbarashada

Date:

Muqdisho(SNTV) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qayb galay munaasabad sagootin ah oo madaxtooyada Soomaaliya loogu sameeyay wafdi ka socday waddamada Thailand, Koonfur Afrika, Suudaan, Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo qayb ka ahaa mas’uulyiintii lagu casuumay shirkii caalamiga ah ee waxbarashada sare ee lagusoo gebagebeeyay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa wafdiga uga mahadceliyay ka qayb galkooda shirkaan caalamiga ah ee waxbarashada sare oo intii uu socday la iskula gartay in waddamada colaadaha ka soo kabanaya loo sameeyo urur Jaamacadeed ay hormuud u tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyay madaxda dawladda soo dhawaynta heerkeedu sareeyo ee loogu sameeyay Muqdisho intii ay u joogeen ka qayb galka shirkii caalamiga ahaa ee waxbarashada sare oo sannadkaan si gaar ah diiradda loogu saaray Cilmi-baarista.

Munaasabadda sagootinta ah waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ahna ku-simaha wasiirka iyo gudoomiyaha jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, waxa ayna labaduba sheegeen in natiijada kasoo baxday shirkii caalamiga ahaa ay Muujineyso horumarka ay Soomaaliya ka sameysay waxbarashada sare maadaama leesku raacay in Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay hogaanka u qabato urur jaamacadeed ay yeelanayaan wadamada colaadaha kasoo kabanaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...