Soomaaliya maxay uga dhigantahay ku biiritaanka COMESA?

Date:

Muqdisho (SNTV)- Soomaaliya ayaa dhawaan ku biirtay Ururka Comesa,kadib shir ay isugu yimaadeen wadamada ku midaysan ururkaasi, kaasi oo ka dhacay magaalada Losaka ee caasimadd adalka Zambia.

Waxaa shirkaasi ka qeybgalay wafdi uu hoggaaminayay Raiisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kahyre, iyadoo shirkaasi lagu ansixiyey xubinimada Soomaaliya ee ururka baayac-mushtarka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Dowladaha ku bohoobay ururkaasi ayaa gaaraya ilaa 21 dal, waxaana dhawaan sidoo kale ku biirtay Dowladda Tunisia, waxaana tani ay fursad u tahay Soomaaliya oo haatan ka soo kabanaysa burbur muddo 20 sano ka badan uu dalka ku jiray, sidaasina waxaa aaminsan aqoonyahanada  dhaqalaaha ku xeel dheer.

C/casiis axmed Ibraahim oo ah dhaqaalyahan Soomaaliyeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay fursad u tahay xubinimada Ururka Comesa.

“Dabcan marka laga hadlaayo ganacsiga waa wax is dhaafsi waxaa jirta aragti ku salaysan in dalka uu difaaco wuxuu soo saaro islamarkanaa uu dhoofiyo, ku biiritaanka Soomaaliya ee ururkaan ma ahaan markii ugu horeysya waxaa jiray mid kan ka horeeyey balse burburkii dhacay dartiisa uu inoo saameeyey, magacii ayaa haatan la bedelay oo loo bixiyay Comesa,Soomaaliyan waxay xaq u leedahay in ay ku biro ururkaasi,iyadoo xubinnimadeeda ay soo ceshanayso ee ku biirid ma ahan”.Ayuu yiri C/casiis.

Wuxuu sidoo kale sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay habka ay Soomaaliya uga faa’idaysan karto iskaashigaasi ganacsi iyo ka mid ahaanshiyaha Ururka Comesa ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.

“Marka aan ka jawaabo maxaan ka faa’idaynaa iyo maxaan ka qasaaraynaa,marka hore dal keligiisa ma taagnaan karo marka laga hadlaayo xagga ganacsiga, tusaalse waxaan leenahay dhul ballaaran oo ku fiican ganacsiga, sidaa wax soo saarka Badda iyo Beriga intuba,dhaqashada xoolaha,waxaan sidoo kale u baahanahay maalgashiga iyo wax soo iibsi marka ururkan wuxuu naga saacidayaa waxbadan in aan talaabo qaadno”.ayuu sii raaciyay Aqoonyahanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...