ka bogo Nuxurka kujira warmurtiyeedka shirkii iskaashiga Soomaaliya ee Brussels

Date:

Muqdisho (SNTV);- Shirki iskaashiga somalia iyo beesha caalamka ayaa waxaa lagasoo saaray warmurtiyeed ay isku raaceen dhinacyadii ka wada qeybgalay shirka, kaas oo koobaya dhammaan qodobadi looga hadlay shirka, waxaana ka mid ah;-

1.Si kastaba ha ahaatee, horusocodka Soomaaliya iskama iman karo. Awoodda hay’adaha dawladda waa in la xoojiyaa, sidoo kalena waa in la abuuraa hannaan isla-xisaabtan oo taageeraya horumarka mustaqbalka. Waxa aan garawsannahay in ay jiraan halisyo carqaladayn kara horumarka hadda la gaaray ee Soomaaliya.

 

  1. Dhibaatooyinka ay kamid yihiin kooxaha hubaysan ee abuurmaya, xagjirnimada gacan-ka-hadalku la socdo, isbeddelka cimilada, tartanka aan nidaamsanayn ee loogu jiro awoodda iyo khayraadka, caddaalad la’aanta iyo musuqmaasuqu waxa ay halis ku yihiin dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

 

  1. Dadaal kasta waannu samaynaynaa si aan u fashilinno ugana hortagno kuwa doonaya inay carqaladeeyaan horumarka Soomaaliya ee ku aaddan dib-u-heshiisinta, nabadda iyo barwaaqada.

 

  1. Waxaan soo dhawaynaynaa heshiiskii dhaxalgalka ahaa ee dhexmaray dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah, kaas oo waddada u xaaraya in la qoro, la iska talageliyo lana meelmariyo sharciga doorashada sannadka 2018 gudihiisa. Tani waxa ay noqon doontaa tallaabo weyn oo loo qaaday in markii ugu horreysey ilaa iyo 1969-kii la gaaro doorasho hal qof iyo hal cod ah sannadka 2020. Waxa aan hoosta ka xarriiqaynaa in Soomaaliya u baahan tahay dastuur dhammaystiran oo la meelmariyey kaasi oo waddanka u suurtagelin kara hannaan siyaasadeed oo waara.

 

  1. Waxa aannu sidoo kale soo dhawaynaynaa go’aamadii laga soo saaray kulamadii Golaha Ammniga Qaranka ee ku aaddanaa qaybsiga khayraadka, isdhexgalka ciidamada, xilliga Kalaguurka ah. Waxaannu sidoo kale soo dhawaynaynaa meelmarinta Golaha Nabadda iyo Ammniga ee Midowga Afrika ay meelmariyeen qorshahan iyo inay ka go’an tahay hirgelintiisu sida ku cad Warmurtiyeedkii Midowga Afrika ee 27 June, 2018.

 

  1. Waxaannu bogaadinaynaa AMISOM iyo waddamada Ciidamada iyo Booliisku ka joogaan Soomaaliya. Waxa aannu abaal ugu haynaa dadaalkooda oo lafdhabar u ahaa horumarka Sooomaaliya. Joogitaanka AMISOM waxa uu lagama-maarmaan u yahay in Sooomaaliya ay awood u yeelato inay si tartiib ah ula wareegto masuuliyaddeeda ammni iyo hannaanka xasilinta Soomaaliya.

 

  1. Waxaynu cambaaraynaynaa kana xunnahay dadka naftooda ku waaya weerarrada argagaxisada ee joogtada ah iyo dagaallada kale ee waddanka ka dhaca. Waxa aannu ka midaysannahay go’aankayaga la-dagaalanka argagaxisada, oo aannu qabno inaan ciidan ahaan uun loola dagaalamine, siyaabo kala duwan loola diriro. Siyaabahan waxa kamid ah in meesha laga saaro waxyaabaha sababa argagaxisnimada iyada oo la xoojinayo hannaanka sharci iyo caddaalad ee dalka, la dhawrayo xuquuqda bani’aadamka, la adkaynayo dawladnimada, dhallinyarada la hagradayna loo suurtagelinayo fursado dhaqaale iyo mid bulsho.

 

  1. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku tallaabsatay horumar mug leh oo ku aaddan cafinta deynta lagu leeyahay, taasi oo fursad u siinaysa inay hesho khayraad iyo maalgelin caalami ah. Heshiisyada laga gaarey qaybsiga dakhliga waxa ay xoojin doonaan dadaalka dawladda Federaalka, waxa ayna kordhin doonaan dakhliga waddanka. Hannaanka dakhli-ururinta iyo qaybintiisuba waa inay waafaqsan yihiin shuruucda u yaal isla-xisaabtanka.

 

  1. Waxa aan carrabka ku adkaynaynaa madaxbannaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya, waxaanu sidoo kale hoosta ka xarriiqaynaa muhiimadda ay leedahay in laga hortago saamaynta burburin ee ka dhalan kara dhibaatooyinka iyo dagaallada heer gobol, kuwaas oo u soo gudbi kara Soomaaliya. Waxa aannu soo dhawaynaynaa wada-shaqaynta ka dhexaysa maamul goboleedyada, waxaanuna waddamada caalamka oo dhan ugu baaqaynaa inay xoojiyaan taageradooda Soomaaliya ee ku aaddan midnimada iyo dib-u-heshiisiinta bulshadeeda.

 

SIYAASADDA LOO DHAN YAHAY

  1. Waxa aannu soo dhawaynaynaa dadaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed, ee ku aaddan qabsoomidda doorasho xisbiyo badan ku salaysan sannadka 2020. Waxa aannu ku bogaadinaynaa dawladda Federaalka Soomaaliya inay siyaasadda loo dhan yahay udub-dhexaad uga dhigtay hannaanka Federaalaynta iyo Dib-u-eegista Dastuurka sida ku cad Tubta Siyaasadda loo dhan yahay. Waxa aannu golayaasha fulinta iyo sharic-dejinta ugu baaqaynaa inay dhammaystiraan sharciga fududeynaya inay waddanka ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah.

 

  1. Waxa aannu ku dhiirrigelinaynaa dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee taageera Soomaaliya inay xaqiijiyaan in khayraadkii loogu talagalay hannaanka doorashada ee heer Federaal iyo heer maamul goboleedba wakhtigii loogu talagalay lagu diyaariyey. Waxa aannu ugu baaqaynaaa Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka inay soo bandhigaan qorshe cad oo loogu talagalay doorashooyinka oo diwaangelinta codbixiyayaashu qayb ka tahay.

 

  1. Waxa aannu ugu baaqaynaa dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badan dib ugu bilaabaan wadahadalladii si ay xal nabadeed ugu helaan waxyaabaha ay ku kala aragti duwan yihiiin. Hoggaamiyayaasha Soomaaliya ee heer Federaal iyo maamul gobolleedba waxa aannu ugu baaqaynaa inay isu-tanaasul badan la yimaaddaan.

AMMNIGA

25.Waxa aannu hoggaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadinaynaa inay dejiyeen Qorshihii kalaguurka iyaga oo si dhaw u kaashanaya dawladaha xubnaha ka ah Fedaraalka, AMISOM, waddamada ay Ciidamada iyo Booliisku ka joogaan Soomaaliya iyo saaxiibbada kale ee caalamka.

  1. Waxa aannu soo dhawaynaynaa dadaalka dhammaan dhinacyada daneeya Soomaaliya ay ku soo dhammaystirayaan qorshaha faahfaahsan ee wajiga kowaad ee Qorshaha kalaguurka, oo ay hoggaanka u hayso dawladda Federaalka Soomaaliya iyada oo kaashanaysa dawladaha xubnaha ka ah Federaalka, AMISOM, dawladaha ay Ciidamada iyo Booliisku ka joogaan Soomaaliya iyo saaxiibbada kale ee caalamka. Waxa aannu soo dhawaynaynaa go’aanka Golaha Qaran ee Ammniga ee ku aaddan xoojinta iyo hawlgelinta Golayaasha Ammni ee heer gobol.

 

  1. Waxa aannu ku faraxsannahay dadaalka Dawladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira dib-u-habaynta waaxda ammniga iyo in la abuuro hay’addo ammni oo lala xisaabtami karo oo ay kamid tahay samaynta hay’ad kormeer iyo la xisaabtan ku samaysa hay’adaha kale ee ammniga ka shaqeeya.

 

31.Waxa aannu ogsoonnahay in hirgalinta Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka iyo Qorshaha kalaguurka uu u baahan yahay doonis siyaasadeed iyo taageero buuxda oo ka timaadda dhammaan dhinacyada ay khusayso.

  1. Waxa aannu hoosta ka xarriiqaynaa muhiimadda ay leedahay in khayraad loo qoondeeyo ammniga dalka. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ka go’an inay xoojiso hannaanka maamulka maaliyadda dawladda.Dawladdu waxa ay saaxiibbadeeda caalamiga ah uga mahadcelinaysaa taageerada ay siiyaan waaxda amniga dalka.

 

  1. Waxa aannu saaxiibbada caalamiga ah uga mahadcelinaynaa taageeradda maaliyadeed iyo midda farsamo ee ay siiyaan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM, waxa ayna dhinacyada kala duwan ugu baaqaynaa inay ku deeqaan khayraadka lagama-maarmaanka u ah fulidda Qorshaha Kalaguurka, si, si tartiib ah loogu wareejiyo masuuliyadda ammniga waddanka hay’adaha ammni ee Soomaaliya.

 

  1. Waxa aannu Ciidamada Xoogga Soomaaliya kula garab-taagannahay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, waxa aannuna aqoonsannahay doorka ay ciidamada maamul goboleedyadu ku leeyihiin hawshan.
  2. Waxa aannu hoosta ka xarriiqaynaa muhiimadda ay leedahay dib-u-habaynta dhammayska tiran ee lagu wado waaxda ammniga oo jawaab u noqon doonta baahiyaha ammni ee dumarka iyo caruurta, iyo in la xaqiijiyo in dumarku si buuxda uga qayb qaataan Qaab-dhismeedka Ammniga Qaranka iyo Qorshaha kalaguurka.

 

  1. Waxa aannu soo dhawaynaynaa dadaallada Dawladda Federaalka Soomaaliya ay kula tacaamulayso hoggaamiyayaasha kooxaha hubaysan iyo kuwa iskood u doortay inay dagaalka joojiyaan isla markaana ay ka go’an tahay dib-u-heshiisiinta iyo in meesha laga saaro waxyaabaha ka qayb qaadanaya xagjirnimada. Waxa aannu dawladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqaynaa inay sii waddo taageerada, daryeelka, dhaqan-celinta, siideynta iyo dib-ugu-celinta bulshada ee dadka ka soo goosta kooxaha hubaysan.Halkan marka la joogo, waxa aannu ku baaqaynaa in fiiro gaar ah la siiyo caruurta iyo dhallinyarada ka qayb qaatay dagaallada, kuwaas oo ay tahay in loola dhaqmo sidii dad dhibbanayaal ah, laa siiyo taageerada iyo daryeelka ay u baahan yihiin si ay bulshada dib ugu dhexgalaan.

SOO-KABASHADA DHAQAALE

  1. Waxa aannu qiraynaa dadaallada Dawladda Federaalka Soomaaliya ee dib loogu sugayo xasiloonida dhaqaalaha iyada oo la xoojinayo siyaasadaha dhaqaalaha, dibudhiska hay’adaha maaliyadeed iyo kor-u-qaadista dawladnimada. Dhammaan qodobbadani waxa ay fure u yihiin in deynta laga cafiyo Soomaaliya.

 

  1. Waxa aannu soo dhawaynaynaa dadaalka ay dawladda Federaalka Soomaaliya xoogga ku saarayso siyaasadaha dhaqaalaha iyo dibuhabayntiisa, oo ay kamid tahay kor-u-qaadista lagu sameeyey qorshaynta miisaaniyadda iyo fulinteeda, dib-u-habaynta lacagta waddanka, iyo in la dejiyo siyaasad lacageed oo waxtar-leh.

 

  1. Waxa aannu taageersannahay qorsahaha uu Bangiga Dhexe ee Soomaaliya hormuudka ka yahay ee dib loogu nidaaminayo lacagta dalka, taasi oo mudnaan u leh Dawladda Federaalka Soomaaliya. Waxa aaannu aaminsannahay in lacagta cusub ee dalka loo soo daabacayo ay saamayn la taaban karo ku yeelan doonto horumarka dhinaca lacagta ee dalka, isla markaana ay midayn doonto hannaanka lacag-bixint, midaas oo xoojin doonto midnimada dalka.Waxa aannu ogsoonnahay baahida loo qabo in la helo kharashka lagu soo daabacayo Shilinka Soomaaliga wajigiisa koowaad, waxa aannuna dhammaan dhinacyada kala duwan ugu baaqaynaa inay taageeraan hawshan.

 

  1. Dawladda Federaalka Soomaaliya, deeq-bixiyayaasha iyo waaxda ganacsiga gaarka ah (private sector), waxa ay ogsoon yihiin doorka ay hay’adaha maalgeliya horumarku ka ciyaari karaan taageeridda dib-u-dhiska iyo sookabashada Soomaaliya.

 

  1. Amniga Soomaaliya iyo horumarkeedu waxa uu ku tiirsanaan doonaa mashiinka horumarka oo ah dadka, gaar ahaan dhallinyarada. Waxbarashada da’yarta iyo dhallinyaradu waa maalgashi lagama-maarmaan u ah in la helo bulsho waxbaratay oo leh xirfadaha farsamo ee muhiiimka u ah Qorshaha Qaran ee Horumarinta Soomaaliya, sidaasi darted waxa naga go’an inaan si gaar ah uga shaqayno waxbarashada Soomaaliya.

 

ADKAYSIGA, SOO-KABASHADA, IYO GARGAARKA BANII’AADAMTINNIMO

  1. Waxa aannu ogsoonnahay in dhammaan Soomaalidu ay waajahayaan halista abaaraha mustaqbalka iman kara, fatahaadaha, cudurrada, iyo dagaallada, waxaanuna qirsannahay in adkaysigii Soomaalidu uu soo yaraanayo maaddaama ay dhibaatooyinkani muddo soo noqnoqdeen.

 

  1. Waxa aannu aqoonsannahay dadaalka ballaaran ee ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah, Soomaalida waddanka gudihiisa ku dhaqan, kaalinta weyn ee Soomaaliya iyo beesha caalamku ka geysteen abaartii Soomaaliya ka dhacday 2017. Waxaannu sidoo kale ogsoonnahay inay jiraan dad gaaraya 5.4 milyan oo gudaha Soomaaliya ku dhaqan kuwaas oo u baahan gargaar bani’aadamtinnimo, ilaa 2.5 milyan kamid ah dadkaasi waxa ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah si ay u helaan baahiyahooda asaasiga ah iyo cunto. Waxa sidoo kale jira dad gaaraya ilaa2.6  milyan oo gudaha Soomaaliya ku barakacay, kuwaas oo u baahan kaalmo kala duwan. Dadka reer miyiga ah ee Soomaaliya ku dhaqan ayaa sidoo kale u baahan  gargaar degdeg ah  si ay noloshooda dib ugu dhisaan maaddaama ay duunyo badan khasaareen.

 

  1. Waxa aan bogaadinaynaa dadaalka Dawladda Federaalka Soomaaliya, dawlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir, (BRA)ay ku xoojinayaan nidaamyada heer qaran ee isku-xirka dadaallada lagu maaraynayo masiibooyinka dabiiciga ah, taasi oo ay kamid tahay samaynta Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka iyo in la xooojiyo hay’adihii hore u jirey. Sidaasi awgeed, waxa aannu soo dhawaynaynaa dejinta siyaasadda Maaraynta Masiibooyinka, waxa aannuna ku baaqaynaa in la dardargeliyo fulinteeda.

 

JINSIGA IYO XUQUUQDA BANI’AADAMKA

  1. Waxa aannu aqoonsannahay dadaallada joogtada ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah, Maamulka Gobolka Banaadir(BRA)ay wax kaga qabanayaan matelaadda iyo ka-qaybqaashada haweenka ee arrimaha siyaasadda iyo dawladda, oo ay kamid tahay inay xilal hoggaamineed qabtaan. Waxa aannu hoggaanka Soomaaliya ugu baaqaynaa inay sameeyaan shuruuc haweenka ka caawinaya inay helaan matalaad, qaybna ka noqdaan hoggaanka dalka, xilal sarsarena ka qabtaan xafiisyada dawladda, kuwa la iska soo doorto iyo shaqaalaha rayidka ah ee dawladdda.

 

  1. Waxa aannu carrabka ku adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay xorriyadda hadalku iyo in la helo hanaan iyo bey’ad oggolaanaya warbaahin madaxbannaan, oo karti iyo aqoonna leh.

 

ISKAASHIYADA

  1. Waxa aannu caddaynaynaa inay naga go’an tahay inaan si dhaw ula shaqayno Dawladda Federaalka Soomaaliya annaga oo raacayna Qorshaha Qaran ee Horumarinta Soomaaliya si loo gaaro nabad, amni iyo barwaaqo waarta.

 

  1. Waxa aannu qiraynaa tallaabooyinka muhiimka ah ee hore loogu qaaday diyaarinta Qorshaha Qaran ee Horumarinta Soomaaliya ee kan xiga, kaasi oo xoogga saari doona in Soomaaliya uu ka dhaco koboc dhaqaale oo loo dhan yahay. Waxa aannu tan u aragnaa inay tahay waddo muhiim u ah xalka baahiyaha dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo in la yareeyo saboolnimada iyo u-nuglaanshaha dhibaatooyinka.

 

GUNAANAD

Waxaan isla garanay inaan qiimeeyn joogta ah ku wada sameyno muddo saddex bilood gudahood ah natiijooyinka ka soo baxay shirkan horumarinta Soomaaliya ee Brussels isla markaasna aynu bilowno u diyaargarowga midka xiga oo qabsoomi doona lix bilood gudahood.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...