Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo soo dhaweysay ka mid noqoshada COMESA

Date:

Muqdisho (SNTV) Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan Galaambi oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho ayaa u mahad-celiyay madaxda Qaranka sida ay isugu howleen in Soomaaliya mar kale kamid noqoto Suuqa Ganacsi ee Bariga iyo Koofurta Afrika ee COMESA.

C/raxmaan C/laahi Aadan Galaambi ayaa sheegay in Suuqa COMESA, uu ahmiyad weyn u leeyahay Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in guul weyn ay tahay in Soomaaliya ay dib ula soo laabatay xubinimadeeda.

Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur oo kamid ah xubnaha golaha shacabka ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan la dayacin fursadan isla markaana looga faaiideyso sidii loogu talo galay, waxaana uu Xukuumadda Soomaaliya ku amaanay sida ay ugu dadaashay in suuq loo helo wax soo saarka dalka, isagoona sheegay in Soomaaliya maadaama ay kamid tahay aas aasayaasha ururkan ay heli karaan ganacsatada Soomaaliyeed mudnaan gaar ah.

Suuqa COMESA ayaa waxaa ku jira 21 dowladood, waxaana horey loo oran jirey PTA hase ahaatee sanadkii 1994 ayaa loo bedeley Suuqa ganacsiga ee bariga iyo Koofurta Afrika ee COMESA.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...