Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Shir-gudoomiyay Kulan Looga Hadlay Horumarinta Hawlaha Dekadda Muqdisho

Date:

Muqdisho(SNTV):- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta shir-gudoomiyay kulan looga hadlayay sidii horumarin loogu samayn lahaa shaqada dekadda Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay dekadda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka dekadaha, wasiir ku-xigeenka maaliyadda, taliyaasha Booliiska iyo asluubta, ku-simaha gudoomiyaha gobalka Banaadir iyo maamulka dekadda Muqdisho, waxaana aad looga dooday sida ugu habboon ee dekadda Muqdisho ay ugu shaqayn karto habeen iyo maalin iyada oo dhammaan masuuliyiinta kulanka ka qayb gashay ay soo jeediyeen talooyin muhiim ah.

Kulanka kadib ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) waxa uu kormeeray dekadda Muqdisho isaga oo u kuur galay qaabka loo wado shaqooyinka ka socda, war-bixinna ka dhagaystay maamulka dekadda.

Shirka maanta laga yeeshay horumarinta shaqada dekadda Muqdisho ayaa daba socday go’aankii guddiga amniga qaranka ee ahaa in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadaan qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, si looga jawaabo baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....