Xukuumadda Soomaaliya oo daah-furtay habka Mideynta Canshuurta

Date:

Muqdisho (SNTV) Kulankaan wadatashiga ah ayaa ahaa mid looga hadlayey habka Mideynta Canshuuraha Dalka iyo ka doodista Canshuuraha laga qaado shaqaalaha iyo macaashka ganacsiga iyo midka gadista, waxaana ka qeyb galay wasiirada Maaliyadda Dowladda Dhexe iyo kuwa Dowlad-goboleedyada Dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo daah furay kulanka ayaa sheegay iney wadaan dadaalo ku aadan sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha soo gala dalka.

“Waxaanu maanta Kawada hadalnay arrinta canshuuraha dalka iyo mideyntooda, waxaa kale oo aan diiradda saarnay arrimaha Kharashka iyo sidii meel la iskula dhigi lahaa, maanta iyo Barri ayuu shirku socon doonaa”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku amaanay wasiirada Maaliyadda Dowlad-goboleedyada dalka xiriirka wanaagsan oo ay la leeyihiin wasaaradda.

“Aadbaan runtii ugu faraxsanahay wada shaqeynta iyo xiriirka naga dhaxeeya saaxiibadey wasiirada Maaliyadda, waxaa ii muuqda in khibrad badan ay noo sii kordheyso oo mar waliba aan wax cusub isla qaadaneyno”ayuu mar kale yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha dalka iyada oo kaashaneysa wasaaradaha Maaliyadda ee dowlad-goboleedyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...