Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka Kana War-bixiyay Natiijada Shirkii Lusaka

Date:

Muqdisho, July 20, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa ka war-bixiyay shir madaxeedka waddamada ku bohoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ee lagu qabtay magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in xubinnimmada Soomaaliya ee COMESA ay ka qeyb gaadaneyso dib u dhiska dhaqaalaha, horumarinta dalka, maal-gashiga, shaqo abuurka, dhismaha wadooyinka iyo warshadaha, iyo horumarinta adeegyada bulshada oo dhan.

“Ku biiritaanka COMESA waa qeyb kamid ah shaqooyinka ugu waaweyn ee hadafyada dawladdu ay leedahay oo ah dib ula fal-gelidda hey’adaha noo sahlaya in aan dib u dhisno dhaqaalaheenna. Waxa ay cadaynesyaa horumarka iyo tillaabooyinka mugga leh ee dalkeennu sameynayo in naloo ogolaado Suuq ay ka ganacsadasaan in ka badan konton milyan dad tiradoodu gaareyso” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Waxa aan aad ugu hambalyaynayaa dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada oo arintaani ay fursad siineyso. Marka ay ganacsatadu fursad helaan waxaa fursad helaya dalkaan sababta oo ah qof waliba oo ganacsada ah oo bilaaba ganacsi waxa uu shaqaalaysiinayaa dad Soomaaliyeed waxa uu bixinayaa canshuur, canshuurtaas waxaa lagu daboolayaa adeegyada ay u baahantahay bulshadu”, ayuu hadalkiisa raaciyay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay magaalada Lusaka ee dalka Zambia ku saxiixay xubinnimada Soomaaliya ee suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika, waxa ayna Soomaaliya noqotay dalka 21-aad ee xubin ka noqda Suuqaas oo ay ka gacansato in ka badan 50 milyan oo dad ah.

 

—DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...