Guddoomiyaha G/Banaadir iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Sweden

Date:

Stockholm (SNTV), – Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka BanaadirMudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somalia Partnership Forum) ee ka dhacay magaalada Brussels ayaa gaaray Magaalada Stockholm ee Caasimadda dalka Sweden, kadib, Casuumaad ay u fidiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Stockholm ayaa uga mahadceliyey Jaaliyadda soo dhaweynta ay u sameeyeen, isagoo xusay inta uu joogo Sweden ay Jaaliyadaha iska wareysan doonaan horumarrada la gaaray iyo rejada wanaagsan ee laga qabo in Soomaaliya ay mar kale cagadeeda isku taagto, gaar ahaan horumarrada ka jira Caasimadda dalka oo hadda dib-u-soo kabanaysa.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa soo dhaweynta wanaagsan ee aad noo sameyseen, inta aan halkaan joogno waan kala warqaadan doonnaa, maadaama aad tihiin bulsho laf-dhabar ah oo leh hal-abuur lagu horumarin karo dalka, magaalada Muqdisho-na ay ku jirto xilli soo kabasho ah fursaduhuna badan yihiin waa in dib loo soo laabtaa oo maalgashi laga sameeyaa Caasimadda, waana midda aan halkan u nimid sidii aan uga wada hadli lahayn.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Eng. Yariisow ayaa sheegay maadaama mas’uuliyiinta dawladda ay intooda badan ka yimaadaan qurbaha, isla markaana gurmadka dadka ay dhibaatadu gaarto had iyo jeer intiisa badan uu ku yimaado taageerrada qurbejoogta, sidaas daraadeedna ay muhiim u yihiin horu-socodka dalka iyo dib-u-soo kabasha Caasimadda.

Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa waxaa safarka ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Biixi Iimaan Cige oo...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo...

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay saddex Khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay ku fulisay dil...