Natiijada tartanka gabdhaha gabya oo ay BBC-da qabatay oo la soo saaray

Date:

Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa Magaalada Garowe kusoo gabagabeysay Tartan xaga gabayada ah oo ay uqabatay gabdhaha da’da yar ee gabya kadib munaasabad ka dhacday magaaladaasi.

Xafladda lagu soo bandhigayay natiijada ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, dad ka socday ururada bulshada rayidka, waalidiin iyo gabdhihi tartanka ka qeyb galay iyo martisharaf lagu casuumay munaasabadda.

Tartankan oo ay ka qeyb galeen gabdho badan oo ah kuwa gabyo kuwaasoo idaacaddu ay  ugu talagashay inay ku dhiirigeliso garaadka iyo Wacyiga gabdho badan oo gabyo. Kuwaasoo doonaya inay nolosha horumar ka gaaraan.

Maanta ayaana   la shaaciyey sadexda gabdhood oo kaalimaha hore ka galay tartanka kuwaasoo la guddoonsiiyey shahaadooyin iyo abaalmarino kale,  Gabdhahaas waxay kala yihiin:-

  • Shukri Jaamac Ibraahim oo kasoo jeeda magaalada Boosaaso
  • Nimco Xasan Tooxyare oo kasoo jeeda Hargeeysa
  • Miski Warsame Nuur oo kasoo jeeda Garowe.

Hadaba, si aan arrimahaasi wax uga ogaano ayaan ka wareysanay Madaxa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Cabdullaahi Sheekh Cabdirisaaq, isagoo ku sugan magaalada Garowe ayuu u waramay Aamino Ladan Axmed Cali oo ka tirsan SNTV  oo waydiisay inuu faahfaahin naga siiyo natiijadii kasoo baxday tartanka lasoo gabo gabeeyay?

Ka bogo codka Wareysiga Halkan:

qoraal BBc

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...