Natiijada tartanka gabdhaha gabya oo ay BBC-da qabatay oo la soo saaray

Date:

Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa Magaalada Garowe kusoo gabagabeysay Tartan xaga gabayada ah oo ay uqabatay gabdhaha da’da yar ee gabya kadib munaasabad ka dhacday magaaladaasi.

Xafladda lagu soo bandhigayay natiijada ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, dad ka socday ururada bulshada rayidka, waalidiin iyo gabdhihi tartanka ka qeyb galay iyo martisharaf lagu casuumay munaasabadda.

Tartankan oo ay ka qeyb galeen gabdho badan oo ah kuwa gabyo kuwaasoo idaacaddu ay  ugu talagashay inay ku dhiirigeliso garaadka iyo Wacyiga gabdho badan oo gabyo. Kuwaasoo doonaya inay nolosha horumar ka gaaraan.

Maanta ayaana   la shaaciyey sadexda gabdhood oo kaalimaha hore ka galay tartanka kuwaasoo la guddoonsiiyey shahaadooyin iyo abaalmarino kale,  Gabdhahaas waxay kala yihiin:-

  • Shukri Jaamac Ibraahim oo kasoo jeeda magaalada Boosaaso
  • Nimco Xasan Tooxyare oo kasoo jeeda Hargeeysa
  • Miski Warsame Nuur oo kasoo jeeda Garowe.

Hadaba, si aan arrimahaasi wax uga ogaano ayaan ka wareysanay Madaxa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Cabdullaahi Sheekh Cabdirisaaq, isagoo ku sugan magaalada Garowe ayuu u waramay Aamino Ladan Axmed Cali oo ka tirsan SNTV  oo waydiisay inuu faahfaahin naga siiyo natiijadii kasoo baxday tartanka lasoo gabo gabeeyay?

Ka bogo codka Wareysiga Halkan:

qoraal BBc

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...