Wasiirka Boostada oo daahfurey Xarunta Internetka iyo isku xirka Jamacaddaha dalka “SAWIRRO

Date:

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa daah furay Adeegga taakuleynta Internet-ka iyo isku xirka Jaamacaddaha dalka iyo kuwa caalamka, munaasabad maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Barnaamijkan oo loogu talogalay in kor loogu qaado tayada waxbarashada sare ee dalka ayaa waxa uu bixin doonaa internet bilaash ah oo ay ka faa’iideysan doonaan xarumaha jaamacaddaha dalka iyaga oo ku xirmaya kuwa dibadda ah si ay ugu fududaato is dhaafsiga cilmi baarista.

Sidoo kale munaasabadan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Dr.C/raxmaan Daahir Cismaan iyo mas’uuliyiin ka socday jaamacadaha dalka iyo maamulka shabakada waxbarashada iyo cilmi baarista Soomaaliyeed (Somali Research & Education Network) ee loo yaqaan SomaliREN

Eng. Cabdi Cashuur Xasan Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ay daddaal ugu jirto sidii looga faa’iideysan lahaa tiknolojiyadda casriga ah oo muhiim u ah nolosha adduunka maanta.

“Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda waxaa ka go’an in ay garab istaagto bahda Waxbarashada, adeegga Internet-kaan waxa uu ahaa Labo qeybood mid waxa aan ugu talo galnay bahda tacliinta sare oo ah midkan aan maanta daahfureyno, waxaana ka horeeyey mid loogu talogelay xarumaha hay’addaha dowladda, ” ayuu yiri Eng. Cabdi Cashuur Xasan.

Eng.Cabdi Cashuur Xasan ayaa tilmaamay in qorshaha Xukuumadda uu yahay in Wasaarad walbo kaalinta kaga aadan hormarka dalka ay u qaadato si dhab ah, taas oo ka miro dhalinteedu ay u muuqato in ay dhowdahay marka la fiirayo halka uu dalku ka yimid, xawaaraha soo kabashada iyo qorshaha xukuumadda.

Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar iyo Dr. Aadan Sheekhdoon Cali oo ka tirsan masuuliyiinta Shabakadda SomaliREN ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada daddaalka iyo garab istaaga bahda waxbarashada, iyaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey in addeegan uu wax weyn ka badali karo tayadda waxbarashada sare ee dalka.

Adeeggan Wejigiisa koowaad waxaa ka faa’iideysan doono Lix ka mid ah Jaamacaddaha dalka iyada oo uu qorshahu yahay in la gaarsiiyo dhamaan xarumaha jaamacaddaha dalka oo dhan.

Xaruntan taakuleynta iyo isku Xirka internet-ka Jaamacaddaha ayaa waxa lagu hergeliyey Iskaashiga mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee uu kaalmeeyo Baanka Aduunka iyo Shabakadda SomaliREN

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...