Kusimaha madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya+sawiro

Date:

Muqdisho, 18-07-2018:  Kusimaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza.

Safiirka waxaa kulanka ku wehlinaayay saraakiil ka tirsan Safaarada Qadar ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa loogu hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood iyo
Sidoo kale kulanka waxa loogu hadlay wada shaqeynta baarlamaanada labada dowladood ee Qadar iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza ayaa guddoomiyaha golaha shacabka kaga mahad celiyay sida diiran ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyay.

” Mudane guddoomiye waxa marka hore hambalyo iyo salaan kaaga wadaa guddoomiyaha baarlamaanka Qadar, dowladda Qadar waxay balan qaadeysaa iney dhinac walbo ka taageereyso golaha shacabka, waxa ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada baarlamaan “. ayuu yiri Safiirka.
Kusimaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacbaka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in dowladda Qadar ay kaalin weyn ka qaadaneyso hormarka dalka ka socdo.

” Dowladda Qadar waxa ay qeyb weyn ka qaadaneysaa hormarka dalka ka socdo, barnaamijyo hormarineed oo shacabka wax weyn u tari doono mustaqbalka ayay dalka ka wadaa” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabaka.
Guddoomiyaha ayaa safiirka kaga mahad celiyay dadaalada uu ku xoojinayo xiriirka labada dowladood iyo labada baarlamaan.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Habdhowraha golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan “Nuux”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...