Taliska Qaybta 43-aad ee xoogga dalka oo dardargalinaya hawlgalada ciidamada ee ka dhanka ah Nabad diidka Al-shabaab.

Date:

Muqdisho (SNTV) Ulajeedada laga leeyahay isbedelka hogaanka cusub ee qeybta 43 Aad ee ciidanka xooga dalka ayaa ah in la dardargeliyo sidii Kooxaha Argagaxisa looga xoreyn lahaa Guud ahaan Dalka islamarkaan lagu tayeyn lahaan Ciidamada Qalabka sida ee soomaaliyeed.

Taliyaha Cusub ee Qeybta 43 Aad ee ciidanka Xooga dalka ayaa socdaal kormeer ku tagay Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaana uu goobtaasi kula hadlay Cutubyo ka tirsan guutooyinka 10-Aad iyo ururka 50-Aad ee ciidanka Xooga dalka kuwaas oo heegan ugu jira sida ay maleeshiyada Al-shabaab uga sifeyn lahaayeen guud ahaan Gobolka Gedo

Taliyaha Guutada 10 Aad ee ciidanka xoogaa dalka General Maxamed Cali Cadoow oo warbixin kooban ka siiyay taliyaha ciidamada ayaa u sheegay in la dagaalanka kooxda Argagaxisada Alshabaab ay heegan ugu jiraan.

“Ciidmadan waa guutada 10 Aad iyo Ururka 50 Aad ee ciidanka Xooga Dalka  waxay ay u taagan yihiin ilaalinta Dadka iyo Dalka astaantooduna waa Qaranka Soomaaliyeed  daruuf walbo iyago ku shaqeynaayo ayay diyaar u yihiin la dagaalanka Kooxda Xagjiriinta Al-shabaab”. Ayuu yiri Janaraal Caddow.

Sareeye Guuto Cali Maxamed Maxamuud Bogmadoow ayaa tagay furmaha ciidanka heeganka ku jiray isagoo ukuur galayay xaaladaha ay ku sugan yihiin, waxaana uu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ka go’antahay ka warqabka daryeelka Ciidanka qaranka.

Cali Maxamed Maxamuud ayaa kula dar daarmay ciidamada in ay ka shaqeeyaan Soomaalinimada islamarkaana ay ka hortagaan falalka ay kooxda arxanka daran nabad diidka caadeeystay daadinta dhiiga umma Soomaaliyeed.

“Waxaan idinkula dar daarmayaa in aad ka fogaataan qabyaaladda islamarakaana aad u diyaar garoowdaan si feeynta cadowga Soomaaliyeed oo ku dhuumaaleysanaya meelaha ay kaga Suganyihiin Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo”.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ku aadan dhismaha ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed si ay ula wareegaan marka uu dhammaado ‘Mandate-ka’ waqtiga joogitaanka ciidamada nabad illaalinta Midowga Africa ee Amisson.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...