Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Khudbad ka jeediyay Shirka Iskaashiga Shiinaha iyo Wadamada Carabta.

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Khudbad ka jeediyay shirka Sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee lagu qabtay Aqalka Shacabka ee Caasimadda Beijing ee Dalka Shiinaha.

Wasiirka ayaa ugu horeyn ka mahad celiyay sida maamuuska leh ee loogu soo dhaweeyay Dalka Shiinaha, isagoo sheegay in shirkan uu xoojinayo saaxiibtinimada iyo wada shaqeynya Dowlada Shiinaha iyo Wadamada Carabta.

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa dowlada iyo dadka Shiinaha sida wanaagsan oo ay noo soo dhaweeyeen, Shirkan wuxuu ka mid yahay shirarka Iskaashiga ee xoojinaaya Saaxibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxeysa Shiinaha iyo Dowladaha Carabta, wuxuuna xoojinayaa kalsoonida siyaasadeed iyo iskaashiga wada jirka ah ee dhinac walba si loo helo deganaasho Nabadeed iyo Hormarka dhanka dhaqaalaha ee bulshada labada shacab”.ayuu yiri Wasiirka.

Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay ku taalo Goob muhiim u ah isku xirka Ganacsiga Aduunka, wuxuuna xusay in Xiriir Taariikhi ah uu kala dhaxeeyo Shiinaha oo Iskaashi dhinacyo badan uu dhex maray.

“Soomaliaya waxay dhacdaa goob muhiim ah oo istiraatiiji u ah Caalamka iyo isku gooshida dhanka ganacsiga, waxayna la leedahay dowladda Shiinaha xiriiir taarikhi ah oo qoto dheer kuna dhisan Ixtiraam, Sidoo kale Soomaliya waxay ka mid tahay dowladihii ugu horeeyay ee xiriir wada shaqeyn la sameeya Shiinaha, iyadoo ka qeyb qaadatay sidii ay Dowladda Shiinaha kaalin weyn ugu yeelan laheyd Caalamka, waxayna Soomaaliya ka qeyb qaadatay sida Shiinaha Qaramada Midoobay uga heli lahaayeen kursigooda sharciga ah”.ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa Dalalka kasoo qeyb galay shirka u sharaxay Hormarka Soomaaliya ka socda, isagoo u sheegay in Isbedelo guul ah laga sameeyay dhinaca Dhaqaalaha, Amniga iyo Siyaasadda.

“Soomaaliya maanta waxay hormar ka gaartay dhinacyada Dhaqaalaha Amniga iyo Siyaasadda waxayna diyaar u tahay in laga caawiyo dhanka maalgashiga sida Baddaha, Garoomada Diyaaradaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga, Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay awoodo sugidda Amniga guud ahaan dalka, waxayna damaanad qaadeysaa Amniga shaqaalaha Dowladda iyo Maalgashiyaasha kala duwan”.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa la kulmay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo qaar ka mid ah Wasiiradda Carabta ee Shirka ka qeyb galay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...