Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay Geerida Marxuumad Bishaaro Aadan

Date:

Muqdisho(SNTV);- Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay, Bishaaro Aadan Yuusuf oo ah Hooyada dhashay Marwada dalka Saynab Cabdi Macalin, oo xannuun mudooyinkaan haayay maanta ugu geeriyootay magaalada Muqdisho.

Salaaddii Janaasadda ee lagu tukaday Marxuumadda ayaa waxaa ka qaybgalay, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Guddoomiye Kuxigeennada Golaha Shacabka, Raiisul Wasaraaha, Raiisul Wasaare Kuxigenka, Xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo Ehelada.

Madaxdaan ayaa uga tacsiyeeyay Geeridaan naxdinta leh dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo Qoyska ay ka baxday Marxuumad Bishaaro Aadan, iyagoo sidoo kale Alle uga baryay inuu Jannada Fardowso ka waraabiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...