Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga Iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Date:

Muqdisho, July 09, 2018, Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeeray wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa kulan xog wareysi ah la qaatay wasiirka wasaaradda, Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiirka qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta Jamaal Maxamed Xasan oo ka warbixiyay kormeerka Ra’iisul Wasare Xasan Cali Khayre uu ku tegay xarunta wasaaradda ayaa sheegay in uu xog badan ka siiyay heerka uu marayo dhaqaalaha dalka, kobaca dhaqaalaha, qiimaha maciishadda kala duwan ee dalka, qorshaha qaranka, mashaariicda kala duwan ee ka socda dalka, wax soo saarka dalka (GDP), maalgashagiga dalka, fursadaha iyo caqabadaha jira, iyo dhismaha golaha dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeeray xafiisyada wasaaradda waxa uuna mid mid u waraystay agaasimayaasha waaxyada kala duwan iyo shaqaalaha wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta, waxa ayan uga warbixiyeen shaqada ay qaranka u hayaan.

Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee dawladda si looga mira dhaliyo qorshaha xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan

Abaalmarinta Waaxda Caddaaladda dowladda Maraykanka waxay bixineysaa abaalmarin gaareysa...

Senator Maxamed Cismaan Majiino oo laascanood kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka

Senator Maxamed Cismaan Majiino oo ka mid ah masuuliyiinta...

Shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo maalintiisa labaad galay

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jirto dhameystirka dhismaha...

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qayb ka ahaa wafdi...