Shir u dhaxeya Wasaaradda Dastuurka iyo Hay’adaha Siyaasadda dalka oo muqdisho lagu qabtay

Date:

Hay’adaha ku shaqada leh Tubta Siyaasadda loo dhanyahay iyo Guddiga Farsamo ee Wadaxaajoodka Arrimaha Federaalka ayaa shir wadajir ah oo wadatashi qorshe wadaag ah uga bilowday magaalada Muqdisho, kulanka oo socon doono afar maalin ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheeyre.

Shirka oo ay si wadajir ah u qabanqaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee XFS ayaa intuu socdo looga hadli doonaa horumarka ilaa iyo hadda laga sameeyay arrimaha Dastuurka, Federaaleynta dalka iyo Doorashooyinka.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in arrimaha dib-u-eegista Dastuurka laga gaaray guulo horudhac ah.

“Sidaad ogtihiin waxaa dalka ka socdo dib-u-eegista Dastuurka, Wasaaradda iyo Guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka waxay ilaa iyo hadda qabteen howlo taariikhi ah sida Shir-weynihii Qaran iyo in la guda galo dib-u-eegista Dastuurka oo ah mid ka qeybgalkiisa loo dhanyahay” ayuu yiri Wasiirka.

Ra’iisulwasaaraha XFS oo furay shirka ayaa bogaadiyay Hay’adaha dowladda ee shirka wadajirka ah leh.

“Shirkan waa mid muhiim u ah mustaqbalka dalka, ogaada waxa aad ka doodeysaan waa aayaha dadka Soomaaliyeed oo aan doneyno in la gaarsiiyo horumar. Waxaan rajeynayaa in dhamaadka shirka ay ka soo baxaan talooyin wax ku ool ah” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Kheeyre.

Ugu dambayn, Khubaro ka kala timid dalka gudihiisa iyo dibadiisa iyo xubno matalaya Dowlad Goboleedyada ayaa guda galay ka doodista arrimaha Dastuurka, Federaalka iyo Doorashooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...